نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1369 | 10 | 5 | هو الذي جعل الشمس ضياء والقمر نورا وقدره منازل لتعلموا عدد السنين والحساب ما خلق الله ذلك إلا بالحق يفصل الآيات لقوم يعلمون |
| | | Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og. |
|
1370 | 10 | 6 | إن في اختلاف الليل والنهار وما خلق الله في السماوات والأرض لآيات لقوم يتقون |
| | | Ishadalka Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu sugan Ciddii Dhawrsan. |
|
1371 | 10 | 7 | إن الذين لا يرجون لقاءنا ورضوا بالحياة الدنيا واطمأنوا بها والذين هم عن آياتنا غافلون |
| | | Kuwaan Rajaynayn la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan Aayaadkannaga. |
|
1372 | 10 | 8 | أولئك مأواهم النار بما كانوا يكسبون |
| | | Kuwaas Hooygoodu waa Naar waxay Kasbanayeen Darteed. |
|
1373 | 10 | 9 | إن الذين آمنوا وعملوا الصالحات يهديهم ربهم بإيمانهم تجري من تحتهم الأنهار في جنات النعيم |
| | | Kuwa Rumeeyey Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan. |
|
1374 | 10 | 10 | دعواهم فيها سبحانك اللهم وتحيتهم فيها سلام وآخر دعواهم أن الحمد لله رب العالمين |
| | | Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebow waad Nasahantahay, Bariidadooduna waa (Nabadgalyo) Salaan, Ducadooduna waxaa ugu Dambayn Mahad Ilaahbaa leh Eebaha Caalamka ah. |
|
1375 | 10 | 11 | ولو يعجل الله للناس الشر استعجالهم بالخير لقضي إليهم أجلهم فنذر الذين لا يرجون لقاءنا في طغيانهم يعمهون |
| | | Haddu Eebe u Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo Dhamayn lahaa Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga Fasaadkooda iyagoo ku Wareersan. |
|
1376 | 10 | 12 | وإذا مس الإنسان الضر دعانا لجنبه أو قاعدا أو قائما فلما كشفنا عنه ضره مر كأن لم يدعنا إلى ضر مسه كذلك زين للمسرفين ما كانوا يعملون |
| | | Markuu Taabto Dadka dhib wuu Na baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu iska Socdaa sidii isagoon Nabaryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qorxiyey Xadgudbayaasha waxay Falayeen. |
|
1377 | 10 | 13 | ولقد أهلكنا القرون من قبلكم لما ظلموا وجاءتهم رسلهم بالبينات وما كانوا ليؤمنوا كذلك نجزي القوم المجرمين |
| | | Waxaan Halaagnay Quruumo idinka horreeyey markay Dulmi faleen, waxayna ula Timid Rasuuladoodii Xujooyin, mana ay an Rumeynayn, Saasaana ku abaal marinaa Qoomka Dambiilayaasha ah. |
|
1378 | 10 | 14 | ثم جعلناكم خلائف في الأرض من بعدهم لننظر كيف تعملون |
| | | Markaasaan idinka yeelay kuwo u hadha Dhulka Gadaashood inaan Eegno sidaad Fashaan. |
|