نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
5386 | 70 | 11 | يبصرونهم يود المجرم لو يفتدي من عذاب يومئذ ببنيه |
| | | Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. |
|
5387 | 70 | 12 | وصاحبته وأخيه |
| | | Haweenaydiisa, Walaalkiis. |
|
5388 | 70 | 13 | وفصيلته التي تؤويه |
| | | iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. |
|
5389 | 70 | 14 | ومن في الأرض جميعا ثم ينجيه |
| | | iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. |
|
5390 | 70 | 15 | كلا إنها لظى |
| | | Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). |
|
5391 | 70 | 16 | نزاعة للشوى |
| | | Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). |
|
5392 | 70 | 17 | تدعو من أدبر وتولى |
| | | Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. |
|
5393 | 70 | 18 | وجمع فأوعى |
| | | Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). |
|
5394 | 70 | 19 | إن الإنسان خلق هلوعا |
| | | Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. |
|
5395 | 70 | 20 | إذا مسه الشر جزوعا |
| | | Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. |
|