بسم الله الرحمن الرحيم

نتائج البحث: 6236
ترتيب الآيةرقم السورةرقم الآيةالاية
37433638والشمس تجري لمستقر لها ذلك تقدير العزيز العليم
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og.
37443639والقمر قدرناه منازل حتى عاد كالعرجون القديم
Dayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.
37453640لا الشمس ينبغي لها أن تدرك القمر ولا الليل سابق النهار وكل في فلك يسبحون
Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan.
37463641وآية لهم أنا حملنا ذريتهم في الفلك المشحون
Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabaylkood Doontii buuxday.
37473642وخلقنا لهم من مثله ما يركبون
Waxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan.
37483643وإن نشأ نغرقهم فلا صريخ لهم ولا هم ينقذون
Hadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo.
37493644إلا رحمة منا ومتاعا إلى حين
Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee.
37503645وإذا قيل لهم اتقوا ما بين أيديكم وما خلفكم لعلكم ترحمون
Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan).
37513646وما تأتيهم من آية من آيات ربهم إلا كانوا عنها معرضين
Aayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan.
37523647وإذا قيل لهم أنفقوا مما رزقكم الله قال الذين كفروا للذين آمنوا أنطعم من لو يشاء الله أطعمه إن أنتم إلا في ضلال مبين
Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.


0 ... 364.2 365.2 366.2 367.2 368.2 369.2 370.2 371.2 372.2 373.2 375.2 376.2 377.2 378.2 379.2 380.2 381.2 382.2 383.2 ... 623

إنتاج هذه المادة أخد: 0.02 ثانية


المغرب.كووم © ٢٠٠٩ - ١٤٣٠ © الحـمـد لله الـذي سـخـر لـنا هـذا :: وقف لله تعالى وصدقة جارية

288512864611900157425945620181042215786