نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2824 | 24 | 33 | وليستعفف الذين لا يجدون نكاحا حتى يغنيهم الله من فضله والذين يبتغون الكتاب مما ملكت أيمانكم فكاتبوهم إن علمتم فيهم خيرا وآتوهم من مال الله الذي آتاكم ولا تكرهوا فتياتكم على البغاء إن أردن تحصنا لتبتغوا عرض الحياة الدنيا ومن يكرههن فإن الله من بعد إكراههن غفور رحيم |
| | | Hase Dhawrsadeen Kuwaan Helayn (awood) Guur inta Eebe kaga Hodmin Fadligiisa, kuwa Dooni Inay Isfurtaan oo Hanatay Gacantiinnu Kitaabeeya (Ka Ogolaada) Haddaad ku Ogtihiin Khayr, wax ka Siiyana Xoolaha Eebe ee uu Idin Siiyey, hana ku Qasbina Gabdhihiinna (aad Ilanataan) Zino Hadday Doonaan Dhawrsooni Idinkoo Dooni Sadka Nolosha Adduunyada, Ciddii Qasabta Eebe Qasabkaas ka Dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. |
|
2825 | 24 | 34 | ولقد أنزلنا إليكم آيات مبينات ومثلا من الذين خلوا من قبلكم وموعظة للمتقين |
| | | Waxaan idiin soo Dejinay Aayaad Cad Cad iyo Tusaale Kuwii Tagay ee Idinka Horreeyey iyo Waanada kuwa Dhawrsada. |
|
2826 | 24 | 35 | الله نور السماوات والأرض مثل نوره كمشكاة فيها مصباح المصباح في زجاجة الزجاجة كأنها كوكب دري يوقد من شجرة مباركة زيتونة لا شرقية ولا غربية يكاد زيتها يضيء ولو لم تمسسه نار نور على نور يهدي الله لنوره من يشاء ويضرب الله الأمثال للناس والله بكل شيء عليم |
| | | Eebe waa Nuuriyaha Samooyinka iyo Dhulka, Nuurkiisu wuxuu la mid yahay Daaqad Misbaax ku Jiro Misbaaxuna ku Jiro Dhalo, Dhaladana aad Mooddo Xiddig lfi lagana Huriyey Geed la Barakeeyay oo ah Zaytuun (Saliidd leh) oon bari iyo Galbeed midna ahayn, waxayna u Dhawdahay Saliideedu inay iska Ifto Yuuna Taabaninba Dabe, waa Nuur lagu kordhiyay Nuur, wuxuuna ku Hanuuniyaa Eebe Nuurkiisa Cidduu Doono, wuxuuna u Yeelaa Eebe Dadka Tusaale, Eebana wax kasta waa Ogyahay. |
|
2827 | 24 | 36 | في بيوت أذن الله أن ترفع ويذكر فيها اسمه يسبح له فيها بالغدو والآصال |
| | | (Kaasoo ah) Guryo (Masaajidda) uu idmay Eebe in la Koryeelo Laguna Xuso Dhexdeeda Magaciisa, waxaana ugu Tasbiixsada Dhexdeeda Aroor iyo Galabba. |
|
2828 | 24 | 37 | رجال لا تلهيهم تجارة ولا بيع عن ذكر الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة يخافون يوما تتقلب فيه القلوب والأبصار |
| | | Raga ayna ka Shuqlinayn Ganacsi iyo Gadasho Xuska Eebe, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Zakada kana Cabsan Maalin oy Gagadoomi Dhexdeeda Quluubta iyo Aragguba. |
|
2829 | 24 | 38 | ليجزيهم الله أحسن ما عملوا ويزيدهم من فضله والله يرزق من يشاء بغير حساب |
| | | Inuu ka Abaal Mariyo Eebe Wanaagay Faleen una Kordhiyo Fadligiisa, Eebana wuu Arzuqaa Cidduu Doono Xisaab la'aan. |
|
2830 | 24 | 39 | والذين كفروا أعمالهم كسراب بقيعة يحسبه الظمآن ماء حتى إذا جاءه لم يجده شيئا ووجد الله عنده فوفاه حسابه والله سريع الحساب |
| | | Kuwii Gaaloobay Camalkoodu wuxuu la Midyahay Dhalanteed Dhul Siman (Ka Muuqda) oos u Malayn kan Oomani biyo Markuu Yimaadana uuna ka Helayn waxba, oo uu ka heli Eebe (Abaal marintiisa) Agtiisa una Oofiyey Xisaabtiisa, Eebana way Deg degtaa Xisaabtiisu. |
|
2831 | 24 | 40 | أو كظلمات في بحر لجي يغشاه موج من فوقه موج من فوقه سحاب ظلمات بعضها فوق بعض إذا أخرج يده لم يكد يراها ومن لم يجعل الله له نورا فما له من نور |
| | | Ama wuxuu la Midyahay Mugdiyo Bad Dhexdeed ah oos Dabooli Hir Korkiisana yahay Hir, Korkiisana Tahay Daruur, waa Mugdiyo Qaarkood Qaar ka Sarreeyo Hadduu Bixiyo Gacantiisana uma Dhawa inuu Arko, Ruuxaan Eebe u yeelin Nuur malaha Nuur. |
|
2832 | 24 | 41 | ألم تر أن الله يسبح له من في السماوات والأرض والطير صافات كل قد علم صلاته وتسبيحه والله عليم بما يفعلون |
| | | Miyaadan Ogayn in Eebe u Tasbiixsado waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo Shimbiraha oo (Fidsan) Safan mid kasta wuu Ogyahay Salaaddiisa iyo Tasbiixdiisa, Eebana waa Ogyahay waxay Fali. |
|
2833 | 24 | 42 | ولله ملك السماوات والأرض وإلى الله المصير |
| | | Eebe waxaa u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo dhulka Xagga Eebaana loo Ahaan. |
|