نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1132 | 7 | 178 | من يهد الله فهو المهتدي ومن يضلل فأولئك هم الخاسرون |
| | | Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana waa uun kuwa Khasaaray. |
|
1133 | 7 | 179 | ولقد ذرأنا لجهنم كثيرا من الجن والإنس لهم قلوب لا يفقهون بها ولهم أعين لا يبصرون بها ولهم آذان لا يسمعون بها أولئك كالأنعام بل هم أضل أولئك هم الغافلون |
| | | Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan. |
|
1134 | 7 | 180 | ولله الأسماء الحسنى فادعوه بها وذروا الذين يلحدون في أسمائه سيجزون ما كانوا يعملون |
| | | Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen. |
|
1135 | 7 | 181 | وممن خلقنا أمة يهدون بالحق وبه يعدلون |
| | | Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa, Kuna socon. |
|
1136 | 7 | 182 | والذين كذبوا بآياتنا سنستدرجهم من حيث لا يعلمون |
| | | Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn. |
|
1137 | 7 | 183 | وأملي لهم إن كيدي متين |
| | | Waana Sugi Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay. |
|
1138 | 7 | 184 | أولم يتفكروا ما بصاحبهم من جنة إن هو إلا نذير مبين |
| | | Miyeyna Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn. |
|
1139 | 7 | 185 | أولم ينظروا في ملكوت السماوات والأرض وما خلق الله من شيء وأن عسى أن يكون قد اقترب أجلهم فبأي حديث بعده يؤمنون |
| | | Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu, Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn. |
|
1140 | 7 | 186 | من يضلل الله فلا هادي له ويذرهم في طغيانهم يعمهون |
| | | Cidduu Dhumiyo Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan. |
|
1141 | 7 | 187 | يسألونك عن الساعة أيان مرساها قل إنما علمها عند ربي لا يجليها لوقتها إلا هو ثقلت في السماوات والأرض لا تأتيكم إلا بغتة يسألونك كأنك حفي عنها قل إنما علمها عند الله ولكن أكثر الناس لا يعلمون |
| | | Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase ma oga (Xaalkaas). |
|