نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
1075 | 7 | 121 | قالوا آمنا برب العالمين |
| | | Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka. |
|
1076 | 7 | 122 | رب موسى وهارون |
| | | Eebaha Muuse iyo Haaruun. |
|
1077 | 7 | 123 | قال فرعون آمنتم به قبل أن آذن لكم إن هذا لمكر مكرتموه في المدينة لتخرجوا منها أهلها فسوف تعلمون |
| | | Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan doontaan. |
|
1078 | 7 | 124 | لأقطعن أيديكم وأرجلكم من خلاف ثم لأصلبنكم أجمعين |
| | | Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo Lugahiinna isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin. |
|
1079 | 7 | 125 | قالوا إنا إلى ربنا منقلبون |
| | | Waxayna Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa. |
|
1080 | 7 | 126 | وما تنقم منا إلا أن آمنا بآيات ربنا لما جاءتنا ربنا أفرغ علينا صبرا وتوفنا مسلمين |
| | | Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay noo Timid, Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina. |
|
1081 | 7 | 127 | وقال الملأ من قوم فرعون أتذر موسى وقومه ليفسدوا في الأرض ويذرك وآلهتك قال سنقتل أبناءهم ونستحيي نساءهم وإنا فوقهم قاهرون |
| | | Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn Muuse iyo Qoomkiisa inay Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo lLaahyadaada). wuxuuna yidhi waxaannu Dili Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo Dullayn. |
|
1082 | 7 | 128 | قال موسى لقومه استعينوا بالله واصبروا إن الأرض لله يورثها من يشاء من عباده والعاقبة للمتقين |
| | | Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa Kaalmaysta Eebe, samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada. |
|
1083 | 7 | 129 | قالوا أوذينا من قبل أن تأتينا ومن بعد ما جئتنا قال عسى ربكم أن يهلك عدوكم ويستخلفكم في الأرض فينظر كيف تعملون |
| | | Waxayna ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga, wuxuuna (Nabi Muuse) ku Yidhi waxay u Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo si uu u Eego waxaad Fashaan. |
|
1084 | 7 | 130 | ولقد أخذنا آل فرعون بالسنين ونقص من الثمرات لعلهم يذكرون |
| | | Waxaan ku qabanay Fircoon Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan. |
|