نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4286 | 42 | 14 | وما تفرقوا إلا من بعد ما جاءهم العلم بغيا بينهم ولولا كلمة سبقت من ربك إلى أجل مسمى لقضي بينهم وإن الذين أورثوا الكتاب من بعدهم لفي شك منه مريب |
| | | Mana kala tagin markuu u yimid cilmigu ka dib mooyee, dulmi iyo xasad dartiis, hadayana jirin kalimo Eebahaa ka hormartay oo tan iyo muddo magacaaban (in lasugo) waxaa lakala xukmin lahaa dhexdooda, kuwii la dhaxalsiiyey Kitaabka kadib waxay ku suganyihiin shaki daran. |
|
4287 | 42 | 15 | فلذلك فادع واستقم كما أمرت ولا تتبع أهواءهم وقل آمنت بما أنزل الله من كتاب وأمرت لأعدل بينكم الله ربنا وربكم لنا أعمالنا ولكم أعمالكم لا حجة بيننا وبينكم الله يجمع بيننا وإليه المصير |
| | | Waxaas dartiis ugu yeedh Dadka, utoosnawna sidii lagu faray, hana raacin hawadooda, waxaadna dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaab ah, waxaana lay faray inaan u caddaalo falo dhexdiina, Eebana waa Rabbiganno iyo Rabbigiin, waxaa noo sugnaaday waxaan camal fallo, idinkana waxaa idiinsugnaaday waxaad camal fashaan, doodina inama dhextaallo Eebaa kulmin dhexdeena xaggiisaana loo ahaan. |
|
4288 | 42 | 16 | والذين يحاجون في الله من بعد ما استجيب له حجتهم داحضة عند ربهم وعليهم غضب ولهم عذاب شديد |
| | | Kuwa ku doodaya Eebe intaa la ajiibay kadib xujadoodu waa baadil Eebe agtiisa, korkoodana cadhaa ah, waxaana usugnaaday Cadaab daran, |
|
4289 | 42 | 17 | الله الذي أنزل الكتاب بالحق والميزان وما يدريك لعل الساعة قريب |
| | | Eebe waa kan u dajiyey Kitaabka si xaq ah iyo miisaan. (caddaalada) mana ogid waxay mudantahay in sacaadda (Qiyaame) dhawdahay. |
|
4290 | 42 | 18 | يستعجل بها الذين لا يؤمنون بها والذين آمنوا مشفقون منها ويعلمون أنها الحق ألا إن الذين يمارون في الساعة لفي ضلال بعيد |
| | | Waxaa dadajista saacadda kuwaan rumeynin iyafa, kuwa rumeeyayna way ka cabsadaan xaggeeda waxayna ogyihiin inay xaq tahay kuwa ku murmi saacaddana waxay ku suganyihiin baadi cad. |
|
4291 | 42 | 19 | الله لطيف بعباده يرزق من يشاء وهو القوي العزيز |
| | | Eebe waa u naxariisbadanaha addoomadiisa wuxuuna arzuqaa cidduu doono, waana xoogbadane adkaade ah. |
|
4292 | 42 | 20 | من كان يريد حرث الآخرة نزد له في حرثه ومن كان يريد حرث الدنيا نؤته منها وما له في الآخرة من نصيب |
| | | Ruuxii dooni camalka aakhiro waan u siyadinaa camalkiisa, Ruuxiise ah mid dooni camal adduunyo waan ka siinaa xaggeeda, kumana leh aakhiro wax nasiib ah. |
|
4293 | 42 | 21 | أم لهم شركاء شرعوا لهم من الدين ما لم يأذن به الله ولولا كلمة الفصل لقضي بينهم وإن الظالمين لهم عذاب أليم |
| | | Mise waxay leeyihiin Gaaladu shurako Eebe oo u Jideeyey diin iyo (xukun) aan Eebe idmin haddayna jirin kalimadda kala bixinta (qiyaamada) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, daalimiintana waxaa u sugnaaday cadaab daran. |
|
4294 | 42 | 22 | ترى الظالمين مشفقين مما كسبوا وهو واقع بهم والذين آمنوا وعملوا الصالحات في روضات الجنات لهم ما يشاءون عند ربهم ذلك هو الفضل الكبير |
| | | Waxaad arkeysaa daalimiinta oo ka cabsan waxay kasbadeen, wuuna ku dhici korkooda, kuwa rumeeyey xaqse oo camalfiican falay waxay gali Beero Janno, waxayna ku leeyihiin waxay doonaan Eebe agtiisa, taasina waa fadli weyn. |
|
4295 | 42 | 23 | ذلك الذي يبشر الله عباده الذين آمنوا وعملوا الصالحات قل لا أسألكم عليه أجرا إلا المودة في القربى ومن يقترف حسنة نزد له فيها حسنا إن الله غفور شكور |
| | | kaasi waa midka ugu bishaareyn Eebe addoomihiisa ah kuwa rumeeyey (xaqa) camal fiicanna falay, waxaadna dhahdaa Nabiyooy maydin warsanaayo ujuuro xaqa gaadhsiintiisa oon ahayn jacayl qaraabanimo, ruuxii kasbada wanaagna waxaannu u siyaadin wanaag, Eebana waa dambidhaafe mahdiyo. |
|