نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4166 | 40 | 33 | يوم تولون مدبرين ما لكم من الله من عاصم ومن يضلل الله فما له من هاد |
| | | Maalintaad jeedsandoontaan idinkoo carari, idiinna sugnayn wax Eebe idinka ilaaliya, ruux Eebe dhumiyeyna malaha «ma jiro» wax hanuunin. |
|
4167 | 40 | 34 | ولقد جاءكم يوسف من قبل بالبينات فما زلتم في شك مما جاءكم به حتى إذا هلك قلتم لن يبعث الله من بعده رسولا كذلك يضل الله من هو مسرف مرتاب |
| | | Waxaa dhab ahaan idiin kula mid xujooyin marhore (Nabi) Yuusuf, kamana aydaan tagin shaki wuxuu idiin la yimid, markuu dhintayna waxaad dhahdeen ma soobixinaayo Eebe gadaashiis Rasuul, saasuuna udhumiyaa Eebe Ruux xad gudba oo shaki badan. |
|
4168 | 40 | 35 | الذين يجادلون في آيات الله بغير سلطان أتاهم كبر مقتا عند الله وعند الذين آمنوا كذلك يطبع الله على كل قلب متكبر جبار |
| | | Kuwa kudoodaya aayaadkanaga xujo utimid la'aanteed waxaa ku waynaatay cadho Eebe agtiisa iyo kuwa rumeeyay, saasuuna u daabacaa Eebe qalbi kastoo is kibriya oo daalim ah. |
|
4169 | 40 | 36 | وقال فرعون يا هامان ابن لي صرحا لعلي أبلغ الأسباب |
| | | Wuxuu yidhi fircoon Haamaanoow ii dhis Daar (sare) si aan ugu gaadho wadooyinka. |
|
4170 | 40 | 37 | أسباب السماوات فأطلع إلى إله موسى وإني لأظنه كاذبا وكذلك زين لفرعون سوء عمله وصد عن السبيل وما كيد فرعون إلا في تباب |
| | | Wadooyinka Samooyinka markaas aandaalacdo Ilaaha Muuse anigu waxaan u malayn beenaalee, saasaana loogu qurxiyay fircoon camalkiisa xun loogana leexiyay jidka, dhagarta fircoonna, ma aha waxaan khasaare ahayn. |
|
4171 | 40 | 38 | وقال الذي آمن يا قوم اتبعون أهدكم سبيل الرشاد |
| | | Wuxuu yidhi kii rumeeyay (Xaqa) qoomkayoow i raaca waxaan idinku hanuunin jidka fiicane. |
|
4172 | 40 | 39 | يا قوم إنما هذه الحياة الدنيا متاع وإن الآخرة هي دار القرار |
| | | Qoomkayoow nolashan adduunyo ee dhaw waa uun raaxo (yar) aakharaase guri nagaadi ah. |
|
4173 | 40 | 40 | من عمل سيئة فلا يجزى إلا مثلها ومن عمل صالحا من ذكر أو أنثى وهو مؤمن فأولئك يدخلون الجنة يرزقون فيها بغير حساب |
| | | Ruuxii camal xun sameeya laguma abaalmariyo wax lamid ah mooyee, Ruuxiise camal fiican fala Lab iyo Dhaddiigba isagoo rumaysan kuwaasi waxay gali Jannada, waana lagu arzuqi dhexdeeda xisaab la'aan. |
|
4174 | 40 | 41 | ويا قوم ما لي أدعوكم إلى النجاة وتدعونني إلى النار |
| | | Qoomkayoow maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar. |
|
4175 | 40 | 42 | تدعونني لأكفر بالله وأشرك به ما ليس لي به علم وأنا أدعوكم إلى العزيز الغفار |
| | | liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa. |
|