نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
92 | 2 | 85 | ثم أنتم هؤلاء تقتلون أنفسكم وتخرجون فريقا منكم من ديارهم تظاهرون عليهم بالإثم والعدوان وإن يأتوكم أسارى تفادوهم وهو محرم عليكم إخراجهم أفتؤمنون ببعض الكتاب وتكفرون ببعض فما جزاء من يفعل ذلك منكم إلا خزي في الحياة الدنيا ويوم القيامة يردون إلى أشد العذاب وما الله بغافل عما تعملون |
| | | hadana waxaad ahaateen kuwo dili Naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah Guryahooda, idinkoo isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo haddii la qafaashana waad furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu, Miyaad rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar, ruuxii saas fala oo idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta qiyaame oo loo celin cadaab daran mooyee, Eebana ma halmaamayo waxaad falaysaan. |
|
93 | 2 | 86 | أولئك الذين اشتروا الحياة الدنيا بالآخرة فلا يخفف عنهم العذاب ولا هم ينصرون |
| | | kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo (ee dhaw) aakhiro, lagamane fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro. |
|
94 | 2 | 87 | ولقد آتينا موسى الكتاب وقفينا من بعده بالرسل وآتينا عيسى ابن مريم البينات وأيدناه بروح القدس أفكلما جاءكم رسول بما لا تهوى أنفسكم استكبرتم ففريقا كذبتم وفريقا تقتلون |
| | | dhab ahaan yaan u siinnay (Nabi) musse Kitaabka, waxaana raacinnary gadaashiis Rasuullo, waxaana siinnay (Nabi) Ciise Ibnu maryama Mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinay ruux daahir ah (Jibriil) marastoose idiinla yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn (xaqa) ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan. |
|
95 | 2 | 88 | وقالوا قلوبنا غلف بل لعنهم الله بكفرهم فقليلا ما يؤمنون |
| | | waxayna dheheen yuhuud quluubtanadu waxay ku sugantahay dabool, saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay rumeeyn. |
|
96 | 2 | 89 | ولما جاءهم كتاب من عند الله مصدق لما معهم وكانوا من قبل يستفتحون على الذين كفروا فلما جاءهم ما عرفوا كفروا به فلعنة الله على الكافرين |
| | | markuu uga yimid Yuhuud Kitaab xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah (Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay, markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha ahaato, gaaladee. |
|
97 | 2 | 90 | بئسما اشتروا به أنفسهم أن يكفروا بما أنزل الله بغيا أن ينزل الله من فضله على من يشاء من عباده فباءوا بغضب على غضب وللكافرين عذاب مهين |
| | | waxaa u xun waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey xasad dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid ah, waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya. |
|
98 | 2 | 91 | وإذا قيل لهم آمنوا بما أنزل الله قالوا نؤمن بما أنزل علينا ويكفرون بما وراءه وهو الحق مصدقا لما معهم قل فلم تقتلون أنبياء الله من قبل إن كنتم مؤمنين |
| | | marka lagu yidhaah Yuhuudda rumeeya waxa Eebe soo dajiyey waxay dhahaan waxaannu rumeeyn waxa nalagu soo dejiyey, wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa maxaad ugu disheen nabiyada Eebe horay haddaad Mu'miniin tihiin. |
|
99 | 2 | 92 | ولقد جاءكم موسى بالبينات ثم اتخذتم العجل من بعده وأنتم ظالمون |
| | | dhab ahaan yuu idiin la yimid (Nabi) Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen Dibi (ilaah) isaga kadib idinkoo daalimiin ah. |
|
100 | 2 | 93 | وإذ أخذنا ميثاقكم ورفعنا فوقكم الطور خذوا ما آتيناكم بقوة واسمعوا قالوا سمعنا وعصينا وأشربوا في قلوبهم العجل بكفرهم قل بئسما يأمركم به إيمانكم إن كنتم مؤمنين |
| | | xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin siinay xoog (niyadadag) maqlana (xaqa) waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey quluubtooda (jacaylkii) Dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu haddaad muuminiin tihiin. |
|
101 | 2 | 94 | قل إن كانت لكم الدار الآخرة عند الله خالصة من دون الناس فتمنوا الموت إن كنتم صادقين |
| | | waxaad dhahdaa hadday daarta aakhiro idinka uun idiinsugnaatay Dadka kale ka sokow jeelaada geeti haddaad run sheeqaysaan. |
|