نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
803 | 6 | 14 | قل أغير الله أتخذ وليا فاطر السماوات والأرض وهو يطعم ولا يطعم قل إني أمرت أن أكون أول من أسلم ولا تكونن من المشركين |
| | | Waxaad Dhahdaa ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la Caabudo) Eebaana ah kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase quudiyo, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaanta (Hogaansanta Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Mushrikiinta. |
|
804 | 6 | 15 | قل إني أخاف إن عصيت ربي عذاب يوم عظيم |
| | | Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka Cabsan Haddaan Caasiyo Eebehay Cadaab Maalin wayn. |
|
805 | 6 | 16 | من يصرف عنه يومئذ فقد رحمه وذلك الفوز المبين |
| | | Ciuddii laga lilo Cadaabka Maalintaas wuu u Naxariistay Eebe Taasina waa Liibaanta Cad. |
|
806 | 6 | 17 | وإن يمسسك الله بضر فلا كاشف له إلا هو وإن يمسسك بخير فهو على كل شيء قدير |
| | | Hadduu ku Taabsiiyo Eebe Dhib wax Faydi ma jiro Isaga mooyee Hadduu ku Taabsiiyo Khayrna Isagaa wax Walba kara. |
|
807 | 6 | 18 | وهو القاهر فوق عباده وهو الحكيم الخبير |
| | | Waana ka Adkaadaha Addoomadiisa Korkooda waana Falsame Xeel Dheer. |
|
808 | 6 | 19 | قل أي شيء أكبر شهادة قل الله شهيد بيني وبينكم وأوحي إلي هذا القرآن لأنذركم به ومن بلغ أئنكم لتشهدون أن مع الله آلهة أخرى قل لا أشهد قل إنما هو إله واحد وإنني بريء مما تشركون |
| | | Waxaad Dhahdaa yaa ugu Wayn Marag waxaad Dhahdaa Eebaa Maragga Dhexdeena ah, waxaana lay waxyooday Quraankan inaan idiinku Digo Idinka iyo cidduu Gaadho, Idinku ma waxaad Marag Furaysaan Inay Eebe la Jiraan ILaahyo kale, waxaad Dhahdaa ma Marag Furayo (Saas) Waxaad Dhahdaa Eebe waa uun ILaah kaliya Anuguna waxaan ka Bari ahay waxaad la Wadaajinaysaan. |
|
809 | 6 | 20 | الذين آتيناهم الكتاب يعرفونه كما يعرفون أبناءهم الذين خسروا أنفسهم فهم لا يؤمنون |
| | | Kuwaan Siinnay Kitaabka Waxay u Yaqaannaan Nabiga (Xaqnimadiisa) Siday u Yaqaanaan Caruurtooda kuwa Khasaariyey Naftoodana ma Rumeeyaan (Xaqa). |
|
810 | 6 | 21 | ومن أظلم ممن افترى على الله كذبا أو كذب بآياته إنه لا يفلح الظالمون |
| | | Wax ka Dulmi Badanna ma jirto cid ku Abuuray Eebe Been ama beeniyey Aayaadkiisa mana Liibaanto Daalimiintu. |
|
811 | 6 | 22 | ويوم نحشرهم جميعا ثم نقول للذين أشركوا أين شركاؤكم الذين كنتم تزعمون |
| | | Ka Warran Maalintaan Kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno Kuwii la Wadaajiyey Aaway kuwaad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadna ahaydeen kuwo Sheegan (Inay wax tari). |
|
812 | 6 | 23 | ثم لم تكن فتنتهم إلا أن قالوا والله ربنا ما كنا مشركين |
| | | Markaas Xujadoodii ma ahayn inay Dhahaan Eebaan ku Dhaarannaye Maanaan ahayn Mushrikiin (Wax la wadaajiya). |
|