نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
800 | 6 | 11 | قل سيروا في الأرض ثم انظروا كيف كان عاقبة المكذبين |
| | | Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Eega Siday Noqotay Cidhibtii Beeniyeyaasha Xaqa. |
|
801 | 6 | 12 | قل لمن ما في السماوات والأرض قل لله كتب على نفسه الرحمة ليجمعنكم إلى يوم القيامة لا ريب فيه الذين خسروا أنفسهم فهم لا يؤمنون |
| | | Waxaad Dhahdaa yaa leh waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka, Dheh Eebe, wuxuuna Isasaaray Naxariis, wuxuuna idin kulmin Maalinta Qiyaame Shakina ma lch, kuwa Khasaariyey Naftoodase ma Rumaynayaan. |
|
802 | 6 | 13 | وله ما سكن في الليل والنهار وهو السميع العليم |
| | | Eebe waxaa u Sugnaaday waxa Xasila Habeenkii iyo Maalintiiba waana Maqle Oge ah. |
|
803 | 6 | 14 | قل أغير الله أتخذ وليا فاطر السماوات والأرض وهو يطعم ولا يطعم قل إني أمرت أن أكون أول من أسلم ولا تكونن من المشركين |
| | | Waxaad Dhahdaa ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la Caabudo) Eebaana ah kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase quudiyo, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaanta (Hogaansanta Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Mushrikiinta. |
|
804 | 6 | 15 | قل إني أخاف إن عصيت ربي عذاب يوم عظيم |
| | | Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka Cabsan Haddaan Caasiyo Eebehay Cadaab Maalin wayn. |
|
805 | 6 | 16 | من يصرف عنه يومئذ فقد رحمه وذلك الفوز المبين |
| | | Ciuddii laga lilo Cadaabka Maalintaas wuu u Naxariistay Eebe Taasina waa Liibaanta Cad. |
|
806 | 6 | 17 | وإن يمسسك الله بضر فلا كاشف له إلا هو وإن يمسسك بخير فهو على كل شيء قدير |
| | | Hadduu ku Taabsiiyo Eebe Dhib wax Faydi ma jiro Isaga mooyee Hadduu ku Taabsiiyo Khayrna Isagaa wax Walba kara. |
|
807 | 6 | 18 | وهو القاهر فوق عباده وهو الحكيم الخبير |
| | | Waana ka Adkaadaha Addoomadiisa Korkooda waana Falsame Xeel Dheer. |
|
808 | 6 | 19 | قل أي شيء أكبر شهادة قل الله شهيد بيني وبينكم وأوحي إلي هذا القرآن لأنذركم به ومن بلغ أئنكم لتشهدون أن مع الله آلهة أخرى قل لا أشهد قل إنما هو إله واحد وإنني بريء مما تشركون |
| | | Waxaad Dhahdaa yaa ugu Wayn Marag waxaad Dhahdaa Eebaa Maragga Dhexdeena ah, waxaana lay waxyooday Quraankan inaan idiinku Digo Idinka iyo cidduu Gaadho, Idinku ma waxaad Marag Furaysaan Inay Eebe la Jiraan ILaahyo kale, waxaad Dhahdaa ma Marag Furayo (Saas) Waxaad Dhahdaa Eebe waa uun ILaah kaliya Anuguna waxaan ka Bari ahay waxaad la Wadaajinaysaan. |
|
809 | 6 | 20 | الذين آتيناهم الكتاب يعرفونه كما يعرفون أبناءهم الذين خسروا أنفسهم فهم لا يؤمنون |
| | | Kuwaan Siinnay Kitaabka Waxay u Yaqaannaan Nabiga (Xaqnimadiisa) Siday u Yaqaanaan Caruurtooda kuwa Khasaariyey Naftoodana ma Rumeeyaan (Xaqa). |
|