نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
755 | 5 | 86 | والذين كفروا وكذبوا بآياتنا أولئك أصحاب الجحيم |
| | | kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkanaga Kuwaasu Waa Jaxiimo Ehelkeeda. |
|
756 | 5 | 87 | يا أيها الذين آمنوا لا تحرموا طيبات ما أحل الله لكم ولا تعتدوا إن الله لا يحب المعتدين |
| | | Kuwa xaqa Rumeeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin Banneeyey hana Xadgudbina, Eebe ma Jeela kuwa Xad gudbee. |
|
757 | 5 | 88 | وكلوا مما رزقكم الله حلالا طيبا واتقوا الله الذي أنتم به مؤمنون |
| | | Waxna ka Cuna Wuxuu Idinku Arzaaqay Eebe isagoo Xalaal Fiican ah kana Dhawrsada Eebe ee ah kaad Rumeysantihiin. |
|
758 | 5 | 89 | لا يؤاخذكم الله باللغو في أيمانكم ولكن يؤاخذكم بما عقدتم الأيمان فكفارته إطعام عشرة مساكين من أوسط ما تطعمون أهليكم أو كسوتهم أو تحرير رقبة فمن لم يجد فصيام ثلاثة أيام ذلك كفارة أيمانكم إذا حلفتم واحفظوا أيمانكم كذلك يبين الله لكم آياته لعلكم تشكرون |
| | | Eebe Idiin ma Qabto Dhaar DanLa'aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saaduuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudantihiin inaad ku Mahdisaan. |
|
759 | 5 | 90 | يا أيها الذين آمنوا إنما الخمر والميسر والأنصاب والأزلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون |
| | | Kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka, Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Foogaada inaad Liibaantaan. |
|
760 | 5 | 91 | إنما يريد الشيطان أن يوقع بينكم العداوة والبغضاء في الخمر والميسر ويصدكم عن ذكر الله وعن الصلاة فهل أنتم منتهون |
| | | Wuxuu uun Dooni Shaydaanku inuu Idinku Dhectuuro Colnimo iyo isnac Khamrada iyo Qamaarka idinkana Celiyo Xusidda Eebe iyo salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga). |
|
761 | 5 | 92 | وأطيعوا الله وأطيعوا الرسول واحذروا فإن توليتم فاعلموا أنما على رسولنا البلاغ المبين |
| | | Adeeca Eebe Adeecana Rasuulka Digtoonaadana, Haddaadse Jeedsataan Ogaada waxaa uun Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin Cadi. |
|
762 | 5 | 93 | ليس على الذين آمنوا وعملوا الصالحات جناح فيما طعموا إذا ما اتقوا وآمنوا وعملوا الصالحات ثم اتقوا وآمنوا ثم اتقوا وأحسنوا والله يحب المحسنين |
| | | Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha. |
|
763 | 5 | 94 | يا أيها الذين آمنوا ليبلونكم الله بشيء من الصيد تناله أيديكم ورماحكم ليعلم الله من يخافه بالغيب فمن اعتدى بعد ذلك فله عذاب أليم |
| | | Kuwa Xaqa Rumeeyow wuxuu idinku Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebe Muujiyo Cidda ka cabsata isagoo kali ah, Ciddiise xad gudubta intaas ka dib wuxuu Mudan Cadaab daran. |
|
764 | 5 | 95 | يا أيها الذين آمنوا لا تقتلوا الصيد وأنتم حرم ومن قتله منكم متعمدا فجزاء مثل ما قتل من النعم يحكم به ذوا عدل منكم هديا بالغ الكعبة أو كفارة طعام مساكين أو عدل ذلك صياما ليذوق وبال أمره عفا الله عما سلف ومن عاد فينتقم الله منه والله عزيز ذو انتقام |
| | | Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka mid ah si kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi labo Caadil ah oo idinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Aarsada. |
|