نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
73 | 2 | 66 | فجعلناها نكالا لما بين يديها وما خلفها وموعظة للمتقين |
| | | waxaana kayeelay ciqabtaas waanada waxa ka horeeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano kuwa dhowrsada. |
|
74 | 2 | 67 | وإذ قال موسى لقومه إن الله يأمركم أن تذبحوا بقرة قالوا أتتخذنا هزوا قال أعوذ بالله أن أكون من الجاهلين |
| | | xusa markuu ku (yidhi) (Nabi) Muuse Qoomkiisa Eebe wuxuu idin fari inaad gawraedaan sac, waxayna dheheen miyaad nagu jees jeesi, wuxuuna yidhi waxaan ka magangali Eebe inaan ka mid noqdo Jaahiliinta. |
|
75 | 2 | 68 | قالوا ادع لنا ربك يبين لنا ما هي قال إنه يقول إنها بقرة لا فارض ولا بكر عوان بين ذلك فافعلوا ما تؤمرون |
| | | waxaayna dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahaye, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas (labadaas) ee fala waxa laydin fari. |
|
76 | 2 | 69 | قالوا ادع لنا ربك يبين لنا ما لونها قال إنه يقول إنها بقرة صفراء فاقع لونها تسر الناظرين |
| | | waxay dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo Midabkeeda, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac Boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin (cajabin) kuwa eegi. |
|
77 | 2 | 70 | قالوا ادع لنا ربك يبين لنا ما هي إن البقر تشابه علينا وإنا إن شاء الله لمهتدون |
| | | waxay dhaheen no hari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga, kaana shabbahday (isu ekaatay) Lo'dee, hadduu Eebe doonana waan toosaynaa. |
|
78 | 2 | 71 | قال إنه يقول إنها بقرة لا ذلول تثير الأرض ولا تسقي الحرث مسلمة لا شية فيها قالوا الآن جئت بالحق فذبحوها وما كادوا يفعلون |
| | | wuxuu yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna Beerta, wayna ka nabadgashantahay (eeeb) midab kalana ma leh, waxay dheheen haddaad la timid dhabta, markaasay gawraccen Siccii, waxayna udhwadeen inayna falin. |
|
79 | 2 | 72 | وإذ قتلتم نفسا فادارأتم فيها والله مخرج ما كنتم تكتمون |
| | | xusa markaad disheen naf ood isku khilaafteen Eebana wuu soo bixin (muujin) Waxaad qarineyseen. |
|
80 | 2 | 73 | فقلنا اضربوه ببعضها كذلك يحيي الله الموتى ويريكم آياته لعلكم تعقلون |
| | | waxaan ku nidhi ku garaaca kan la dilay Saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebe wixii dhintay, idiina tusin aayaadkiisa si aad wax u kastaan. |
|
81 | 2 | 74 | ثم قست قلوبكم من بعد ذلك فهي كالحجارة أو أشد قسوة وإن من الحجارة لما يتفجر منه الأنهار وإن منها لما يشقق فيخرج منه الماء وإن منها لما يهبط من خشية الله وما الله بغافل عما تعملون |
| | | markaasay ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama waa ka darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo. |
|
82 | 2 | 75 | أفتطمعون أن يؤمنوا لكم وقد كان فريق منهم يسمعون كلام الله ثم يحرفونه من بعد ما عقلوه وهم يعلمون |
| | | ma waxaad damcaysaan Mu'miniintaay inay rumeeyaan yuhuudda xaqa oy (idinraacaan) iyahoo kooz ka mid ahi ay maqlayaan hadalka Eebe (Towreed) haddana ay xarrifaan (leexiyaan) intay kaseen kadib, iyagoo og (inay gafsanyihiin). |
|