نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
719 | 5 | 50 | أفحكم الجاهلية يبغون ومن أحسن من الله حكما لقوم يوقنون |
| | | Ma Xukunka Jaahilayad yey doonayaan, yaa ugu Fiican Eebe Xukunkiisa qoomka wax Yaqiinsan (Rumaysan). |
|
720 | 5 | 51 | يا أيها الذين آمنوا لا تتخذوا اليهود والنصارى أولياء بعضهم أولياء بعض ومن يتولهم منكم فإنه منهم إن الله لا يهدي القوم الظالمين |
| | | Kuwa Xaqa Rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii ka sokeeya Yeelata oo idinka Mid ah wuxuue ka midyahay Iyaga, Eebe ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah. |
|
721 | 5 | 52 | فترى الذين في قلوبهم مرض يسارعون فيهم يقولون نخشى أن تصيبنا دائرة فعسى الله أن يأتي بالفتح أو أمر من عنده فيصبحوا على ما أسروا في أنفسهم نادمين |
| | | Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka Buka (Munaafiqiinta) oo u Degdagi Dhexdooda, iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan inay nagu dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u Dhawdahay in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) Xagiisa ah oo Markaas ay ahaadaan kuwo waxay u Qarsanayeen Naftooda (oo Gaal jacayl ah) Qoomameeya. |
|
722 | 5 | 53 | ويقول الذين آمنوا أهؤلاء الذين أقسموا بالله جهد أيمانهم إنهم لمعكم حبطت أعمالهم فأصبحوا خاسرين |
| | | Waxay Odhan kuwii Rumeeyey (Xaqa) ma kuwaasaa Kuwii ku Dhaartay Eebe Dhaar Adag inay idinla Jiraan, waxaa Hoobtay Camalkoodii waxayna ahaadeen kuwo Khasaaray. |
|
723 | 5 | 54 | يا أيها الذين آمنوا من يرتد منكم عن دينه فسوف يأتي الله بقوم يحبهم ويحبونه أذلة على المؤمنين أعزة على الكافرين يجاهدون في سبيل الله ولا يخافون لومة لائم ذلك فضل الله يؤتيه من يشاء والله واسع عليم |
| | | Kuwa Xaqa Rumeeyow Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo idinka mid ah, wuxuu Eebe keeni qoom uu Jeeelyahay iyana Jeeel una naxariista Mu'miniinta kuna Daran Gaalada, kuna Jahaadi Jidka Eebe oon ka Cabsanayn Canaanta Canaante, Taasina waa Fadliga Eebe wuxuuna Siiyaa Cidduu Doono, Eebana waa Deeq Badane Og. |
|
724 | 5 | 55 | إنما وليكم الله ورسوله والذين آمنوا الذين يقيمون الصلاة ويؤتون الزكاة وهم راكعون |
| | | Waligiinnu waa uun Eebe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) ee Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Rukuuea. |
|
725 | 5 | 56 | ومن يتول الله ورسوله والذين آمنوا فإن حزب الله هم الغالبون |
| | | Ciddii ka Waliyeelata Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Kuwa Rumeeyey Xaqa Xisbiga ILaahay Umbaa Adkaan. |
|
726 | 5 | 57 | يا أيها الذين آمنوا لا تتخذوا الذين اتخذوا دينكم هزوا ولعبا من الذين أوتوا الكتاب من قبلكم والكفار أولياء واتقوا الله إن كنتم مؤمنين |
| | | Kuwa xaqa Reemeyow ha ka Yeelanina kuwa ka Yeeshay Diinta Jees Jees iyo Ciyaar oo ah kuwa Ehelu Kitaabka ah Idinkana Horeeyey iyo Gaalada sokeeye, kana Dhawrasada Eebe haddaad Tihiin Mu'miniin. |
|
727 | 5 | 58 | وإذا ناديتم إلى الصلاة اتخذوها هزوا ولعبا ذلك بأنهم قوم لا يعقلون |
| | | Markaad ugu Dhawaaqdaan Salaaddana waxay ka Yeeshaan Jees Jees iyo Ciyaar, waxaana Arrintaas ugu Wacan inay Yihiin Qoomaan waxkasayn. |
|
728 | 5 | 59 | قل يا أهل الكتاب هل تنقمون منا إلا أن آمنا بالله وما أنزل إلينا وما أنزل من قبل وأن أكثركم فاسقون |
| | | Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow Miyaad Noogu Cadhoonaysaan inaan Rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo Dejiyey iyo wixii la Dajiyey horay Mooyee, Badankiinnu waa Faasiqiin. |
|