نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
676 | 5 | 7 | واذكروا نعمة الله عليكم وميثاقه الذي واثقكم به إذ قلتم سمعنا وأطعنا واتقوا الله إن الله عليم بذات الصدور |
| | | Xusuusta Nicmada Eebe iyo Ballankiisa uu idin kula Ballamay markaad Dhahdeen waan maqalay waana adeecnay kana Dhawrsada Eebe ILIeen ILaahay waa Ogyahay waxa Laabta ku Sugane. |
|
677 | 5 | 8 | يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولا يجرمنكم شنآن قوم على ألا تعدلوا اعدلوا هو أقرب للتقوى واتقوا الله إن الله خبير بما تعملون |
| | | Kuwa (xaqa) Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u Darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaalad yeyna idinku Xambaarin Cadhada qoom inaydaan Caddaalad falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw Dhawrsashada (Eebe) kana Dhawrsada ILaahay, Eebe waa Ogyahay waxaad falaysaane. |
|
678 | 5 | 9 | وعد الله الذين آمنوا وعملوا الصالحات لهم مغفرة وأجر عظيم |
| | | Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican inuu u sugnaaday Dambi dhaaf iyo Ajir wayn. |
|
679 | 5 | 10 | والذين كفروا وكذبوا بآياتنا أولئك أصحاب الجحيم |
| | | Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkannaga kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Jaxiimo. |
|
680 | 5 | 11 | يا أيها الذين آمنوا اذكروا نعمت الله عليكم إذ هم قوم أن يبسطوا إليكم أيديهم فكف أيديهم عنكم واتقوا الله وعلى الله فليتوكل المؤمنون |
| | | Kuwa (xaqa) Rumeeyow Xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markay Hamiyeen «dooneen» qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan) Gacmahooda oo (Eebe) idinka reebay Gacmohooda Xaggiina kana Dhawrsada Eebe, Ilaahayna ha tala Saarteen Mu'miniintu. |
|
681 | 5 | 12 | ولقد أخذ الله ميثاق بني إسرائيل وبعثنا منهم اثني عشر نقيبا وقال الله إني معكم لئن أقمتم الصلاة وآتيتم الزكاة وآمنتم برسلي وعزرتموهم وأقرضتم الله قرضا حسنا لأكفرن عنكم سيئاتكم ولأدخلنكم جنات تجري من تحتها الأنهار فمن كفر بعد ذلك منكم فقد ضل سواء السبيل |
| | | Dhab ahaanbuu u qaaday Eebe Ballanka Banii'Israa'iil, waxaana ka Bixinay Xaggooda Labo iyo toban Madax ah, wuxuuna yidhi Eebe anagu waan idin la jiraa Haddaad Oogtaan Salaadda oo Bixisaan Zakada ood Rumaysaan Rasuuladayda, ood una Gargaartaan oo amaah gashataan Eebe amaah (Sadaqo) Fiican waxaan ka Asturi Xaggiinna Xumaanta waxaana idin galin Jannooyin ay Dureeri Dhecdeeda Wabiyaal Ruuxii Gaalooba intaas ka Dib oo idin Ka mid ah wuxuu ka Dhumay Jidka Toosan. |
|
682 | 5 | 13 | فبما نقضهم ميثاقهم لعناهم وجعلنا قلوبهم قاسية يحرفون الكلم عن مواضعه ونسوا حظا مما ذكروا به ولا تزال تطلع على خائنة منهم إلا قليلا منهم فاعف عنهم واصفح إن الله يحب المحسنين |
| | | Burintooda Ballankooda (Yuhuud) yaan u Lacnadnay kana Yeellay Quluubtooda mid Ingagan, iyagoo ka leexin Kalimada meejeeda waxayna halmaameen qayb ka mid wixii lagu waaniyey kamana waydid Xaggooda inaad ku aragtid Khayaamo wax yar mooyee ee iska Cafi iskana Saamax Eebe wuxuu Jecelyahay samo Falayaashee. |
|
683 | 5 | 14 | ومن الذين قالوا إنا نصارى أخذنا ميثاقهم فنسوا حظا مما ذكروا به فأغرينا بينهم العداوة والبغضاء إلى يوم القيامة وسوف ينبئهم الله بما كانوا يصنعون |
| | | Kuwa Yidhi waxaan nahay Nasaara waxaan ka qaadnay Ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu Waaniyey, markaasaan ku sii daynay Dhexdooda Colnimo iyo Cadho Tan iyo Maalinta Qiyaame, wuuna uga warrami Eebe waxay Samaynayeen. |
|
684 | 5 | 15 | يا أهل الكتاب قد جاءكم رسولنا يبين لكم كثيرا مما كنتم تخفون من الكتاب ويعفو عن كثير قد جاءكم من الله نور وكتاب مبين |
| | | Ehelu Kitaabow waxaa idiin Yimid Rasuulkannaga oo idiin Caddayn wax badan ood ahaydeen kuwo ka qariya Kitaabka (Tawreed) wuxuuna idinka Cafiyi wax badan, waxaana idiinka Yimid Xagga Eebe Nuur iyo Kitaab Cad. |
|
685 | 5 | 16 | يهدي به الله من اتبع رضوانه سبل السلام ويخرجهم من الظلمات إلى النور بإذنه ويهديهم إلى صراط مستقيم |
| | | Uuna ku Hanuuniyo Eebe Ruuxii Raaca Raalli ahaanshihiisa Jidka Nahadgalyada kana bixin Mudiyada Xagga Nuurka Idinkiisa kuna hanuunin jidka Toosan. |
|