نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
654 | 4 | 161 | وأخذهم الربا وقد نهوا عنه وأكلهم أموال الناس بالباطل وأعتدنا للكافرين منهم عذابا أليما |
| | | Iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga Reebay Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha Dadka si Baadil ah, waxaana u darbanay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran. |
|
655 | 4 | 162 | لكن الراسخون في العلم منهم والمؤمنون يؤمنون بما أنزل إليك وما أنزل من قبلك والمقيمين الصلاة والمؤتون الزكاة والمؤمنون بالله واليوم الآخر أولئك سنؤتيهم أجرا عظيما |
| | | Laakiin kuwa ku xeeldheer Cilmiga oo ka mid ah iyo Mu'miniintu waxay rumeyn waxa lagugu Dejiyay, iyo wixii la Dejiyey hortaa, iyo kuwa Oogo Salaadda ee Bixiya Zakada ee rumeeya Eebe iyo Maalintii Dambe kuwaas waxaan siinaynaa Ajir wayn. |
|
656 | 4 | 163 | إنا أوحينا إليك كما أوحينا إلى نوح والنبيين من بعده وأوحينا إلى إبراهيم وإسماعيل وإسحاق ويعقوب والأسباط وعيسى وأيوب ويونس وهارون وسليمان وآتينا داوود زبورا |
| | | Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur. |
|
657 | 4 | 164 | ورسلا قد قصصناهم عليك من قبل ورسلا لم نقصصهم عليك وكلم الله موسى تكليما |
| | | iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal. |
|
658 | 4 | 165 | رسلا مبشرين ومنذرين لئلا يكون للناس على الله حجة بعد الرسل وكان الله عزيزا حكيما |
| | | Waa Rasuullo Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan. |
|
659 | 4 | 166 | لكن الله يشهد بما أنزل إليك أنزله بعلمه والملائكة يشهدون وكفى بالله شهيدا |
| | | Laakiin Eebaa Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way Marag furi, Eebana ku Filan Marag. |
|
660 | 4 | 167 | إن الذين كفروا وصدوا عن سبيل الله قد ضلوا ضلالا بعيدا |
| | | Kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog. |
|
661 | 4 | 168 | إن الذين كفروا وظلموا لم يكن الله ليغفر لهم ولا ليهديهم طريقا |
| | | kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid. |
|
662 | 4 | 169 | إلا طريق جهنم خالدين فيها أبدا وكان ذلك على الله يسيرا |
| | | Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe. |
|
663 | 4 | 170 | يا أيها الناس قد جاءكم الرسول بالحق من ربكم فآمنوا خيرا لكم وإن تكفروا فإن لله ما في السماوات والأرض وكان الله عليما حكيما |
| | | Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka Eebana waa oge falsan. |
|