نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
633 | 4 | 140 | وقد نزل عليكم في الكتاب أن إذا سمعتم آيات الله يكفر بها ويستهزأ بها فلا تقعدوا معهم حتى يخوضوا في حديث غيره إنكم إذا مثلهم إن الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا |
| | | wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan. |
|
634 | 4 | 141 | الذين يتربصون بكم فإن كان لكم فتح من الله قالوا ألم نكن معكم وإن كان للكافرين نصيب قالوا ألم نستحوذ عليكم ونمنعكم من المؤمنين فالله يحكم بينكم يوم القيامة ولن يجعل الله للكافرين على المؤمنين سبيلا |
| | | oo ah kuwa udun la suga (dhibaato) hadduu gargaar xagga Eebe idiinka ahaado waxay dhihi miyaanaan idinla jirin, hadduu gaalada u sugnaado nassibna waxay dhahaan miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin Mu'miniinta, Eebaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebe gaalada mu'miniinta korkooda waddo. |
|
635 | 4 | 142 | إن المنافقين يخادعون الله وهو خادعهم وإذا قاموا إلى الصلاة قاموا كسالى يراءون الناس ولا يذكرون الله إلا قليلا |
| | | munaafiqiintu waxay dhagri Eebe (isku dayi) isna wuu dhagri (oo abaal Marin) markay u istaagaan Salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan, oo is tusi Dadka Mana xusaan Eebe wax yar mooyee. |
|
636 | 4 | 143 | مذبذبين بين ذلك لا إلى هؤلاء ولا إلى هؤلاء ومن يضلل الله فلن تجد له سبيلا |
| | | waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama jiraan, cidduu dhumiyey Eebe uma heshid Waddo (eid hanuunin). |
|
637 | 4 | 144 | يا أيها الذين آمنوا لا تتخذوا الكافرين أولياء من دون المؤمنين أتريدون أن تجعلوا لله عليكم سلطانا مبينا |
| | | kuwa (Xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, Ma waxaad doonaysaan inaad isugu yeeshaan Eebe korkiinna xujo cad (inuu idin ciqaabo). |
|
638 | 4 | 145 | إن المنافقين في الدرك الأسفل من النار ولن تجد لهم نصيرا |
| | | munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umanaheshid gargaare. |
|
639 | 4 | 146 | إلا الذين تابوا وأصلحوا واعتصموا بالله وأخلصوا دينهم لله فأولئك مع المؤمنين وسوف يؤت الله المؤمنين أجرا عظيما |
| | | kuwa toobadkeena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra Eebe, oo u kali yeela Diintooda (Cibaadadooda) Eebe kuwaasi waxay la jiri mu'miniinta, wuuna siin doonaa Eebe Mu'miniinta Ajir wayn. |
|
640 | 4 | 147 | ما يفعل الله بعذابكم إن شكرتم وآمنتم وكان الله شاكرا عليما |
| | | muxuu ku fali Eebe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebana waa mahdiye Waana oge. |
|
641 | 4 | 148 | لا يحب الله الجهر بالسوء من القول إلا من ظلم وكان الله سميعا عليما |
| | | Ma Jeela Eebe in lala Qayliyo Xumaan oo Madal ah Ruux la Dulmiyey Mooyee Eebana waa Maqle og. |
|
642 | 4 | 149 | إن تبدوا خيرا أو تخفوه أو تعفوا عن سوء فإن الله كان عفوا قديرا |
| | | Haddaad Muujisaan Khayr ama Qarisaan ama Cafidaan Xumaan Eebana waa Dhaafe kara. |
|