نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
558 | 4 | 65 | فلا وربك لا يؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم ثم لا يجدوا في أنفسهم حرجا مما قضيت ويسلموا تسليما |
| | | Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi. |
|
559 | 4 | 66 | ولو أنا كتبنا عليهم أن اقتلوا أنفسكم أو اخرجوا من دياركم ما فعلوه إلا قليل منهم ولو أنهم فعلوا ما يوعظون به لكان خيرا لهم وأشد تثبيتا |
| | | Haddaan ku Faral yeello korkooda Dila Naftiinna ama ka baxa Guryihiinna ma Faleen wax yar oo ka mid ah mooyee, hadday Falaan waxa lagu waanin yaa u. Khayr roon kuna daran (adag) sugnaan (Rumeyn). |
|
560 | 4 | 67 | وإذا لآتيناهم من لدنا أجرا عظيما |
| | | Markaasaan ka siin lahayn Agtanada Ajir wayn. |
|
561 | 4 | 68 | ولهديناهم صراطا مستقيما |
| | | waxaana ku hanuunin lahayn Jid Toosan. |
|
562 | 4 | 69 | ومن يطع الله والرسول فأولئك مع الذين أنعم الله عليهم من النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا |
| | | Ciddii Adeeca Eebe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u niemeeyey Eebe, oo nabiyada, Rumeeyayaasha, Shuhadada iyo kuwa Suubban waxaana u fiican rafiiq kuwaas. |
|
563 | 4 | 70 | ذلك الفضل من الله وكفى بالله عليما |
| | | Arrintaasuna waa Fadliga Eebe waxaana ku Filan Eebe Ogaansho. |
|
564 | 4 | 71 | يا أيها الذين آمنوا خذوا حذركم فانفروا ثبات أو انفروا جميعا |
| | | Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Qaata Digtoonidiinna Duulana idinkoo Koox Koox ah, ama Duula Dhamaan. |
|
565 | 4 | 72 | وإن منكم لمن ليبطئن فإن أصابتكم مصيبة قال قد أنعم الله علي إذ لم أكن معهم شهيدا |
| | | Waxaa idinka mid ah (Munaafiqiin) Cabsin (Dib marin) hadday idinku dhaedo Musiibp (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii Niemeeyey Eebe korkayga haddaanan la joogin. |
|
566 | 4 | 73 | ولئن أصابكم فضل من الله ليقولن كأن لم تكن بينكم وبينه مودة يا ليتني كنت معهم فأفوز فوزا عظيما |
| | | Hadduu idin soo gaadho (Heshaan) Fadli Eebe (Khayr) wuxuu dhihi sidii isagoo ayna ahayn dhexdiinna Jeceyl Shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon Liibaano Liibaan wayne. |
|
567 | 4 | 74 | فليقاتل في سبيل الله الذين يشرون الحياة الدنيا بالآخرة ومن يقاتل في سبيل الله فيقتل أو يغلب فسوف نؤتيه أجرا عظيما |
| | | Ha kula Dagaallameen Jidka Eebe kuwa ku Gatay Nolasha Dhaw Aakhiro (doorta Adduun) Ruuxii ku dagaalama Jidka Eebe oo la Dilo ama Adkaada waxaan Siinaynaa Ajir wayn. |
|