نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
5304 | 68 | 33 | كذلك العذاب ولعذاب الآخرة أكبر لو كانوا يعلمون |
| | | Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. |
|
5305 | 68 | 34 | إن للمتقين عند ربهم جنات النعيم |
| | | Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». |
|
5306 | 68 | 35 | أفنجعل المسلمين كالمجرمين |
| | | Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha. |
|
5307 | 68 | 36 | ما لكم كيف تحكمون |
| | | Seed u dhihi kartaan saas. |
|
5308 | 68 | 37 | أم لكم كتاب فيه تدرسون |
| | | Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. |
|
5309 | 68 | 38 | إن لكم فيه لما تخيرون |
| | | oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. |
|
5310 | 68 | 39 | أم لكم أيمان علينا بالغة إلى يوم القيامة إن لكم لما تحكمون |
| | | Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan. |
|
5311 | 68 | 40 | سلهم أيهم بذلك زعيم |
| | | Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. |
|
5312 | 68 | 41 | أم لهم شركاء فليأتوا بشركائهم إن كانوا صادقين |
| | | mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi. |
|
5313 | 68 | 42 | يوم يكشف عن ساق ويدعون إلى السجود فلا يستطيعون |
| | | Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud. |
|