نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
5215 | 64 | 16 | فاتقوا الله ما استطعتم واسمعوا وأطيعوا وأنفقوا خيرا لأنفسكم ومن يوق شح نفسه فأولئك هم المفلحون |
| | | Eebe ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana (weyneeya), waxna baxsada, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay. |
|
5216 | 64 | 17 | إن تقرضوا الله قرضا حسنا يضاعفه لكم ويغفر لكم والله شكور حليم |
| | | haddaad Eebe amaah fiican amaahsataan (wax sadaqaysataan) Eebe waa idiin laab laabi, dambigiinana wuu dhaafi, Eebana waa kan la mahadiyo ee ee dusha san. |
|
5217 | 64 | 18 | عالم الغيب والشهادة العزيز الحكيم |
| | | waxa maqan iyo waxa joogaba Eebe wa ogyahay waana adkaade Falsan. |
|
5218 | 65 | 1 | بسم الله الرحمن الرحيم يا أيها النبي إذا طلقتم النساء فطلقوهن لعدتهن وأحصوا العدة واتقوا الله ربكم لا تخرجوهن من بيوتهن ولا يخرجن إلا أن يأتين بفاحشة مبينة وتلك حدود الله ومن يتعد حدود الله فقد ظلم نفسه لا تدري لعل الله يحدث بعد ذلك أمرا |
| | | Nabiyow haddaad haweenka furaysaan Cidada ku fura (daahir aan la taaban) Cidadana tiriya, Eebana ka dhawrsada, hana ka bixinina Guryahooda (ay joogeen markay la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyan ka tagin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii Eebe, ruuxii ka tallaba xuduuda Eebena naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu ka dib xaal keeno, (jacayl isku noqosho). |
|
5219 | 65 | 2 | فإذا بلغن أجلهن فأمسكوهن بمعروف أو فارقوهن بمعروف وأشهدوا ذوي عدل منكم وأقيموا الشهادة لله ذلكم يوعظ به من كان يؤمن بالله واليوم الآخر ومن يتق الله يجعل له مخرجا |
| | | Markay Cidada dhamaadkeeda (ku dhawaadaan) si fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa, dad caadiliina oo idin ka mid ahna marag uga dhiga, maragana ha u guteen Eebe dartiis, xaalkaasi waa wacdi ruuxii rumayn Eebe iyo Maalintii dambaysay «yiaamada» ruuxii Eebe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj. |
|
5220 | 65 | 3 | ويرزقه من حيث لا يحتسب ومن يتوكل على الله فهو حسبه إن الله بالغ أمره قد جعل الله لكل شيء قدرا |
| | | Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka filanayn, ruuxii Eebe tala saartana waa ku filan yahay, Eebana amarkiisu waa fuli, (waxna kama fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti sugan (oo go'an). |
|
5221 | 65 | 4 | واللائي يئسن من المحيض من نسائكم إن ارتبتم فعدتهن ثلاثة أشهر واللائي لم يحضن وأولات الأحمال أجلهن أن يضعن حملهن ومن يتق الله يجعل له من أمره يسرا |
| | | Haweenkiinna Caadada ka quustay haddaad shakidaan Cidadoodu waa seddex bilood, kuwaan Caada lahayn waa sidaas oo kale, Haweenka uurka leh cidadoodu waa inay umulaan (dhalaan), ruuxii Eeb ka dhawrsadana wuxuu u fududayn amarkiisa. |
|
5222 | 65 | 5 | ذلك أمر الله أنزله إليكم ومن يتق الله يكفر عنه سيئاته ويعظم له أجرا |
| | | Kaasi waa amarkii Eebe uu idiin soo dejiyey, ruuxii Eebe ka dhawrsadana xumaantiisuu asturaa ajirkiisana wuu weyneeyaa. |
|
5223 | 65 | 6 | أسكنوهن من حيث سكنتم من وجدكم ولا تضاروهن لتضيقوا عليهن وإن كن أولات حمل فأنفقوا عليهن حتى يضعن حملهن فإن أرضعن لكم فآتوهن أجورهن وأتمروا بينكم بمعروف وإن تعاسرتم فسترضع له أخرى |
| | | dejiya Haweenkaas (cidada ku jira) meelahaad dagan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna nafaqeeya (masruufa) intay ka umuulaan (kadhalaan), hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is fara, haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa nuujin. |
|
5224 | 65 | 7 | لينفق ذو سعة من سعته ومن قدر عليه رزقه فلينفق مما آتاه الله لا يكلف الله نفسا إلا ما آتاها سيجعل الله بعد عسر يسرا |
| | | Haka nafaqeeyo (masruufo) midka awood xoola leh awooddiisa, kan wax yarna haka nafaqeeyo waxa Eebe siiyey (ee uu karo), Eebana kuma mashaqeeyo naf wuxuusan siinin, Eebana wuxuu yeeli cidhiidhi dabadiis fudayd (faraj). |
|