نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
5205 | 64 | 6 | ذلك بأنه كانت تأتيهم رسلهم بالبينات فقالوا أبشر يهدوننا فكفروا وتولوا واستغنى الله والله غني حميد |
| | | Arrintaas waxaa ugu wacan in Rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen (Gaaladii) ma dadbaa na hanuunin ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtoonaysiiyeen (weynaysiiyeen) Eebe, Eebana waa midka hodanka ah lana mahadiyo. |
|
5206 | 64 | 7 | زعم الذين كفروا أن لن يبعثوا قل بلى وربي لتبعثن ثم لتنبؤن بما عملتم وذلك على الله يسير |
| | | Waxay sheegeen kuwii gaaloobay inaan la soo bixinaynin, waxaad dhahdaa saas ma aha, Eebaa wuxuu ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen, taasina waa u fududahay Eebe. |
|
5207 | 64 | 8 | فآمنوا بالله ورسوله والنور الذي أنزلنا والله بما تعملون خبير |
| | | Ee rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Eebe soo dejiyey (Quraanka) Eebana waxaad camal falaysaan waa ogyahay. |
|
5208 | 64 | 9 | يوم يجمعكم ليوم الجمع ذلك يوم التغابن ومن يؤمن بالله ويعمل صالحا يكفر عنه سيئاته ويدخله جنات تجري من تحتها الأنهار خالدين فيها أبدا ذلك الفوز العظيم |
| | | Maalinta qiyaamada ee Ilaahay idin soo kulmin waa maalin kado, ruuxiise Ilaah rumeeya camal wanaagsanna fala Eebe xumaantiisa (dambigiisa) wuu asturi, wuxuuna galin Janooyin ay dhex dureeraan Wabiyaal way kuna waaraan waligood, taasina waa liibaan weyn. |
|
5209 | 64 | 10 | والذين كفروا وكذبوا بآياتنا أولئك أصحاب النار خالدين فيها وبئس المصير |
| | | kuwa gaaloobayse beeniyeyna Aayaadka Eebe waa kuwa Ahlu Naar ah waxayna ku waari dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun. |
|
5210 | 64 | 11 | ما أصاب من مصيبة إلا بإذن الله ومن يؤمن بالله يهد قلبه والله بكل شيء عليم |
| | | Wixii Musiiba ah (dhib ah) oo dhaca waa idinka Eebe, ruuxiise Eebe rumeeya waxaa hanuuni (oo xasili) qalbigiisa, Eebana wax walba waa ogyahay. |
|
5211 | 64 | 12 | وأطيعوا الله وأطيعوا الرسول فإن توليتم فإنما على رسولنا البلاغ المبين |
| | | Eebe adeeca Rasuulkiisana adeeca, haddaadse jeedsataan (xaqa diidaan) waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaargiiyo. |
|
5212 | 64 | 13 | الله لا إله إلا هو وعلى الله فليتوكل المؤمنون |
| | | Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isaga uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. |
|
5213 | 64 | 14 | يا أيها الذين آمنوا إن من أزواجكم وأولادكم عدوا لكم فاحذروهم وإن تعفوا وتصفحوا وتغفروا فإن الله غفور رحيم |
| | | Kuwa xaqa rumeeyow Haweenkiinna iyo Caruurtiina waxaa ka mid ah kuwo Col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse iska cafidaan saamaxdaanna Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ah. |
|
5214 | 64 | 15 | إنما أموالكم وأولادكم فتنة والله عنده أجر عظيم |
| | | Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo) Eebe agtiisaase ajir weyn (ku sugan yahay). |
|