نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
520 | 4 | 27 | والله يريد أن يتوب عليكم ويريد الذين يتبعون الشهوات أن تميلوا ميلا عظيما |
| | | Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn. |
|
521 | 4 | 28 | يريد الله أن يخفف عنكم وخلق الإنسان ضعيفا |
| | | Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar. |
|
522 | 4 | 29 | يا أيها الذين آمنوا لا تأكلوا أموالكم بينكم بالباطل إلا أن تكون تجارة عن تراض منكم ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيما |
| | | Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee. |
|
523 | 4 | 30 | ومن يفعل ذلك عدوانا وظلما فسوف نصليه نارا وكان ذلك على الله يسيرا |
| | | Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay. |
|
524 | 4 | 31 | إن تجتنبوا كبائر ما تنهون عنه نكفر عنكم سيئاتكم وندخلكم مدخلا كريما |
| | | Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka Reebeynno waxaannu ka asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel Fiican (Sharaf leh). |
|
525 | 4 | 32 | ولا تتمنوا ما فضل الله به بعضكم على بعض للرجال نصيب مما اكتسبوا وللنساء نصيب مما اكتسبن واسألوا الله من فضله إن الله كان بكل شيء عليما |
| | | Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar, Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay. |
|
526 | 4 | 33 | ولكل جعلنا موالي مما ترك الوالدان والأقربون والذين عقدت أيمانكم فآتوهم نصيبهم إن الله كان على كل شيء شهيدا |
| | | Cid kasta waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen Labada waalid iyo Qaraabadu iyo kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag. |
|
527 | 4 | 34 | الرجال قوامون على النساء بما فضل الله بعضهم على بعض وبما أنفقوا من أموالهم فالصالحات قانتات حافظات للغيب بما حفظ الله واللاتي تخافون نشوزهن فعظوهن واهجروهن في المضاجع واضربوهن فإن أطعنكم فلا تبغوا عليهن سبيلا إن الله كان عليا كبيرا |
| | | Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed, (Haweenka) Wanaagsan way Adeecaan Haaliyaanna Maqnaas- ho ilaalinta Eebe Darteed, kuwaadse ka Cabsataan Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadday idin Adeecaanna ha u dalbina Korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebana waa Sare Wayn. |
|
528 | 4 | 35 | وإن خفتم شقاق بينهما فابعثوا حكما من أهله وحكما من أهلها إن يريدا إصلاحا يوفق الله بينهما إن الله كان عليما خبيرا |
| | | Haddaad ka Cabsataan Iskhilaafka Dhexdooda u bixiya Xaq soore Ehelkiisa ah iyo Xaq soore Ehelkeeda ah, hadday doonaan Wanaajinna Eebe wuu iswaafajin Dhexdooda, Eebana waa Oge Xeeldheer. |
|
529 | 4 | 36 | واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب بالجنب وابن السبيل وما ملكت أيمانكم إن الله لا يحب من كان مختالا فخورا |
| | | Caabuda Eebe hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca, Socotada iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee Faanka badan. |
|