نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
5121 | 58 | 17 | لن تغني عنهم أموالهم ولا أولادهم من الله شيئا أولئك أصحاب النار هم فيها خالدون |
| | | Xoolahooda iyo Caruurtoodu wax ugama taraan Eebe xaggiisa, waana kuwa ehelu Naar ah wayna ku waari. |
|
5122 | 58 | 18 | يوم يبعثهم الله جميعا فيحلفون له كما يحلفون لكم ويحسبون أنهم على شيء ألا إنهم هم الكاذبون |
| | | Maalinta Eebe soo bixiyo dhamaantood way u dhaaran Eebe siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja ah) haystaan waase kuwo beenaalayaal ah. |
|
5123 | 58 | 19 | استحوذ عليهم الشيطان فأنساهم ذكر الله أولئك حزب الشيطان ألا إن حزب الشيطان هم الخاسرون |
| | | Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo hilaamsiiyey xusidda Eebe, kuwaasi waa Xisbiga shaydaanka, Xisbiga shaydaankuna waa kuwa khasaaray. |
|
5124 | 58 | 20 | إن الذين يحادون الله ورسوله أولئك في الأذلين |
| | | Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay ka mid noqon kuwa dullooba. |
|
5125 | 58 | 21 | كتب الله لأغلبن أنا ورسلي إن الله قوي عزيز |
| | | Eebe wuxuu xugmiyey inuu adkaado isaga iyo Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog badane adkaade ah. |
|
5126 | 58 | 22 | لا تجد قوما يؤمنون بالله واليوم الآخر يوادون من حاد الله ورسوله ولو كانوا آباءهم أو أبناءهم أو إخوانهم أو عشيرتهم أولئك كتب في قلوبهم الإيمان وأيدهم بروح منه ويدخلهم جنات تجري من تحتها الأنهار خالدين فيها رضي الله عنهم ورضوا عنه أولئك حزب الله ألا إن حزب الله هم المفلحون |
| | | Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo Maalintii dambeeysay oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Walaahood ama Qaraabadooda, kuwaas (aan jeelaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa ka raalli noqday iyana way ka raallii noqdeen waana Xisbiga Ilaahay; Xisbiga Ilaahayna waa kuwa Liibaanay. |
|
5127 | 59 | 1 | بسم الله الرحمن الرحيم سبح لله ما في السماوات وما في الأرض وهو العزيز الحكيم |
| | | Waxaa Eebe nasaha (sharifa) waxa Cirka iyo Dhulka ku dhexnool, waana xoo badane Falsan. |
|
5128 | 59 | 2 | هو الذي أخرج الذين كفروا من أهل الكتاب من ديارهم لأول الحشر ما ظننتم أن يخرجوا وظنوا أنهم مانعتهم حصونهم من الله فأتاهم الله من حيث لم يحتسبوا وقذف في قلوبهم الرعب يخربون بيوتهم بأيديهم وأيدي المؤمنين فاعتبروا يا أولي الأبصار |
| | | Eebe waa kan bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu Kitaabka ahaa «Yuhuud» Guryahoodii kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in Guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebe uga yimid meel ayan filayn, qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen (ku halleeyeen) gacmahooda iyo gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka Caqliga leh ha waano qaato. |
|
5129 | 59 | 3 | ولولا أن كتب الله عليهم الجلاء لعذبهم في الدنيا ولهم في الآخرة عذاب النار |
| | | Haddaan Eebe xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi lahaa Adduunka, Aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab naareed. |
|
5130 | 59 | 4 | ذلك بأنهم شاقوا الله ورسوله ومن يشاق الله فإن الله شديد العقاب |
| | | Maxaa yeelay Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey khilaafeen, ruuxii Eebe khilaafana Ciqaabtiisu waa darantahay. |
|