نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
5097 | 57 | 22 | ما أصاب من مصيبة في الأرض ولا في أنفسكم إلا في كتاب من قبل أن نبرأها إن ذلك على الله يسير |
| | | Wixii dhib ah oo Dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca wuxuu ku sugnaaday Kitaab Abuuriddiisa ka hor, arrintaasuna waa u fududdahay Eebe. |
|
5098 | 57 | 23 | لكيلا تأسوا على ما فاتكم ولا تفرحوا بما آتاكم والله لا يحب كل مختال فخور |
| | | Si aydaan ugu murugoonin wixii idinka taga aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma jecla Ruux kasta oo isla wayn oo faanbadan. |
|
5099 | 57 | 24 | الذين يبخلون ويأمرون الناس بالبخل ومن يتول فإن الله هو الغني الحميد |
| | | Oo ah kuwa bakhayli dadkana fari bakhaylnimo, Ruuxii jeedsadana Eebe waa ka hodon mahadsan. |
|
5100 | 57 | 25 | لقد أرسلنا رسلنا بالبينات وأنزلنا معهم الكتاب والميزان ليقوم الناس بالقسط وأنزلنا الحديد فيه بأس شديد ومنافع للناس وليعلم الله من ينصره ورسله بالغيب إن الله قوي عزيز |
| | | Dhab ahaan baan ula dirray Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku ugu tooso Caddaalad, waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka iyo in Eebe muujiyo Cidda u gargaari isaga (Diinta) iyo Rasuulladiisa iyagoon arkaynin, Eebana waa Xoog badane Adkaade ah. |
|
5101 | 57 | 26 | ولقد أرسلنا نوحا وإبراهيم وجعلنا في ذريتهما النبوة والكتاب فمنهم مهتد وكثير منهم فاسقون |
| | | Dhab ahaan baan u dirray (nabi) Nuux iyo (nabi) Ibraahim, waxaana yeellay faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana ka mid ah kuwa hanuunay, waxbadan oo ka mid ahna waa Faasiqiin. |
|
5102 | 57 | 27 | ثم قفينا على آثارهم برسلنا وقفينا بعيسى ابن مريم وآتيناه الإنجيل وجعلنا في قلوب الذين اتبعوه رأفة ورحمة ورهبانية ابتدعوها ما كتبناها عليهم إلا ابتغاء رضوان الله فما رعوها حق رعايتها فآتينا الذين آمنوا منهم أجرهم وكثير منهم فاسقون |
| | | Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid ahna waa faasiqiin. |
|
5103 | 57 | 28 | يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وآمنوا برسوله يؤتكم كفلين من رحمته ويجعل لكم نورا تمشون به ويغفر لكم والله غفور رحيم |
| | | Kuwa xaqa rumeeyow Eebaa ka dhawrsada, rumeeyana Rasuulkiisa haydin siiyo laab laab naxariiseede, hana idiin yeelo Nuur aad ku socotaane, hana idiin dambidhaafee, Eebana waa dambidhaafe naxariista ah. |
|
5104 | 57 | 29 | لئلا يعلم أهل الكتاب ألا يقدرون على شيء من فضل الله وأن الفضل بيد الله يؤتيه من يشاء والله ذو الفضل العظيم |
| | | Inay ogaadan ehlukitaabku inayan karin inay hantaan Fadliga Eebe, fadliga Eebana awooddiisu uu ku jiraa, wuxuuna siin Ruuxuu doono, Eebana waa kan Fadliga wayn leh. |
|
5105 | 58 | 1 | بسم الله الرحمن الرحيم قد سمع الله قول التي تجادلك في زوجها وتشتكي إلى الله والله يسمع تحاوركما إن الله سميع بصير |
| | | Eebe wuxuu maqlay Haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Eebe u sheeganaysay «dhibaatadeeda», Eebana wuu maqlayey doodooda, maxaayeelay Ilaahay waa ka wax walba maqle arka. |
|
5106 | 58 | 2 | الذين يظاهرون منكم من نسائهم ما هن أمهاتهم إن أمهاتهم إلا اللائي ولدنهم وإنهم ليقولون منكرا من القول وزورا وإن الله لعفو غفور |
| | | Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Ilaahayna hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane. |
|