نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4747 | 52 | 12 | الذين هم في خوض يلعبون |
| | | Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. |
|
4748 | 52 | 13 | يوم يدعون إلى نار جهنم دعا |
| | | Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). |
|
4749 | 52 | 14 | هذه النار التي كنتم بها تكذبون |
| | | Waatan Naartii aad beenin jirteen. |
|
4750 | 52 | 15 | أفسحر هذا أم أنتم لا تبصرون |
| | | Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn. |
|
4751 | 52 | 16 | اصلوها فاصبروا أو لا تصبروا سواء عليكم إنما تجزون ما كنتم تعملون |
| | | Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen. |
|
4752 | 52 | 17 | إن المتقين في جنات ونعيم |
| | | Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo. |
|
4753 | 52 | 18 | فاكهين بما آتاهم ربهم ووقاهم ربهم عذاب الجحيم |
| | | Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. |
|
4754 | 52 | 19 | كلوا واشربوا هنيئا بما كنتم تعملون |
| | | (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. |
|
4755 | 52 | 20 | متكئين على سرر مصفوفة وزوجناهم بحور عين |
| | | Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn). |
|
4756 | 52 | 21 | والذين آمنوا واتبعتهم ذريتهم بإيمان ألحقنا بهم ذريتهم وما ألتناهم من عملهم من شيء كل امرئ بما كسب رهين |
| | | Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». |
|