نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4713 | 51 | 38 | وفي موسى إذ أرسلناه إلى فرعون بسلطان مبين |
| | | (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. |
|
4714 | 51 | 39 | فتولى بركنه وقال ساحر أو مجنون |
| | | Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. |
|
4715 | 51 | 40 | فأخذناه وجنوده فنبذناهم في اليم وهو مليم |
| | | Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. |
|
4716 | 51 | 41 | وفي عاد إذ أرسلنا عليهم الريح العقيم |
| | | Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta. |
|
4717 | 51 | 42 | ما تذر من شيء أتت عليه إلا جعلته كالرميم |
| | | Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran. |
|
4718 | 51 | 43 | وفي ثمود إذ قيل لهم تمتعوا حتى حين |
| | | Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. |
|
4719 | 51 | 44 | فعتوا عن أمر ربهم فأخذتهم الصاعقة وهم ينظرون |
| | | Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. |
|
4720 | 51 | 45 | فما استطاعوا من قيام وما كانوا منتصرين |
| | | Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. |
|
4721 | 51 | 46 | وقوم نوح من قبل إنهم كانوا قوما فاسقين |
| | | (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah, |
|
4722 | 51 | 47 | والسماء بنيناها بأيد وإنا لموسعون |
| | | Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay. |
|