نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
470 | 3 | 177 | إن الذين اشتروا الكفر بالإيمان لن يضروا الله شيئا ولهم عذاب أليم |
| | | Kuwa ku Gatay Gaalnimo Iimaanka kama Dhibayaan Eebe waxba waxayna Mudan Cadaab Daran. |
|
471 | 3 | 178 | ولا يحسبن الذين كفروا أنما نملي لهم خير لأنفسهم إنما نملي لهم ليزدادوا إثما ولهم عذاب مهين |
| | | Yeyna u Malaynin kuwa Gaaloobay inuu Sugidoodu Khayr u tahay, waxaannu u Sugi uun inay Siyaadsadaan Dambi, waxayna mudan Cadaab Dulleeya. |
|
472 | 3 | 179 | ما كان الله ليذر المؤمنين على ما أنتم عليه حتى يميز الخبيث من الطيب وما كان الله ليطلعكم على الغيب ولكن الله يجتبي من رسله من يشاء فآمنوا بالله ورسله وإن تؤمنوا وتتقوا فلكم أجر عظيم |
| | | Ma aha Eebe kii kaga Taga Mu'miniinta Sidaad tihiin intuu ka kala Sooco ka Xun iyo kan Fiican, mana aha Eebe kii idin Daaliciya (Tusiya) waxa Maqan, hase yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa Ciddduu Doono ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa, Haddaad Rumeysaan Xaqa oo Dhawrsataan waxaad Mudanaysaan Ajir Weyn. |
|
473 | 3 | 180 | ولا يحسبن الذين يبخلون بما آتاهم الله من فضله هو خيرا لهم بل هو شر لهم سيطوقون ما بخلوا به يوم القيامة ولله ميراث السماوات والأرض والله بما تعملون خبير |
| | | Yeyna u malaynin kuwa ku Bakhayli wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah inay Khayr u Tahay, Sharbayse u Tahay waxaana Luqunta loo Galin waxay ku Bakhaylayeen Maalinta Qiyaame, Eebaana iska leh Dhaxalka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waxaad Camal Falaysaan waa Ogyahay. |
|
474 | 3 | 181 | لقد سمع الله قول الذين قالوا إن الله فقير ونحن أغنياء سنكتب ما قالوا وقتلهم الأنبياء بغير حق ونقول ذوقوا عذاب الحريق |
| | | Dhab ahaan yuu u Maqlay Eebe Hadalka Kuwii Yidhi Eebe waa Faqiir Anaguna waxaan nahay Hodan (waa Yuhuuh ha halaagmeene) waan Qoraynaa waxay dhihi iyo Diliddooda Nabiyada ee Xaq daro waxaan u dhahaynaa dhadhamiya Cadaabka Gubashada, |
|
475 | 3 | 182 | ذلك بما قدمت أيديكم وأن الله ليس بظلام للعبيد |
| | | Taasina waa waxay hormarsatay Gacmahoodu Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada. |
|
476 | 3 | 183 | الذين قالوا إن الله عهد إلينا ألا نؤمن لرسول حتى يأتينا بقربان تأكله النار قل قد جاءكم رسل من قبلي بالبينات وبالذي قلتم فلم قتلتموهم إن كنتم صادقين |
| | | Waa kuwa Yidhi Eebe wuxuu nagula Ballantamay Inaanaan Rumeyn Rasuul intuu Nooga keeno Qurbaan (Sadaqo) oy Cunto Naar, waxaad dhahdaa waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay Xujooyin iyo waxaad sheegteen ee Maxaad u Disheen haddaad run sheegaysaaan. |
|
477 | 3 | 184 | فإن كذبوك فقد كذب رسل من قبلك جاءوا بالبينات والزبر والكتاب المنير |
| | | Hadday ku Beeniyaan waxaa dhab ahaan loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey oo la yimid Xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab Cad. |
|
478 | 3 | 185 | كل نفس ذائقة الموت وإنما توفون أجوركم يوم القيامة فمن زحزح عن النار وأدخل الجنة فقد فاز وما الحياة الدنيا إلا متاع الغرور |
| | | Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruusiise laga iilo Narta oo la galiyo Janada wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn. |
|
479 | 3 | 186 | لتبلون في أموالكم وأنفسكم ولتسمعن من الذين أوتوا الكتاب من قبلكم ومن الذين أشركوا أذى كثيرا وإن تصبروا وتتقوا فإن ذلك من عزم الأمور |
| | | Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna iyo Naftiinna waxaadna ka Maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horeeyey iyo Mushrikiinta (Gaaladii Carbeed) dhib Badan haddaadse Samirtaan ood dhawrsataan Arrintaasu waa Umuuraha loo Qasdo. |
|