نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4640 | 50 | 10 | والنخل باسقات لها طلع نضيد |
| | | Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. |
|
4641 | 50 | 11 | رزقا للعباد وأحيينا به بلدة ميتا كذلك الخروج |
| | | Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. |
|
4642 | 50 | 12 | كذبت قبلهم قوم نوح وأصحاب الرس وثمود |
| | | Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. |
|
4643 | 50 | 13 | وعاد وفرعون وإخوان لوط |
| | | Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). |
|
4644 | 50 | 14 | وأصحاب الأيكة وقوم تبع كل كذب الرسل فحق وعيد |
| | | Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). |
|
4645 | 50 | 15 | أفعيينا بالخلق الأول بل هم في لبس من خلق جديد |
| | | Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). |
|
4646 | 50 | 16 | ولقد خلقنا الإنسان ونعلم ما توسوس به نفسه ونحن أقرب إليه من حبل الوريد |
| | | Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. |
|
4647 | 50 | 17 | إذ يتلقى المتلقيان عن اليمين وعن الشمال قعيد |
| | | Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida. |
|
4648 | 50 | 18 | ما يلفظ من قول إلا لديه رقيب عتيد |
| | | Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). |
|
4649 | 50 | 19 | وجاءت سكرة الموت بالحق ذلك ما كنت منه تحيد |
| | | Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. |
|