نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
452 | 3 | 159 | فبما رحمة من الله لنت لهم ولو كنت فظا غليظ القلب لانفضوا من حولك فاعف عنهم واستغفر لهم وشاورهم في الأمر فإذا عزمت فتوكل على الله إن الله يحب المتوكلين |
| | | Naxariista Eebe Darteed yaad ugu Jilicday haddaadse tahay Mid Ingagan oo Qalbi Adag way kaakala tagi lahaayeen Gaararkaada, ee iska Cafi una Dambi Dhaaf warso kalana Tasho Amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebe (K u Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay kuwa Tala Saartee. |
|
453 | 3 | 160 | إن ينصركم الله فلا غالب لكم وإن يخذلكم فمن ذا الذي ينصركم من بعده وعلى الله فليتوكل المؤمنون |
| | | Hadduu idin Gargaaro Eebe wax idiinka Adkaan ma jiro Hadduu idin Hoojiyana waa Kuma kan idiin Gar- gaari Gadaashiis, Eebe uun ha Tala Saarteen Mu'miniintu. |
|
454 | 3 | 161 | وما كان لنبي أن يغل ومن يغلل يأت بما غل يوم القيامة ثم توفى كل نفس ما كسبت وهم لا يظلمون |
| | | Kama suurowdo Nabi inuu wax Khayaamo, Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta Qiyaame, markaas waxaa loo Oofin (Dhamayn) Nafkasta waxay Kashatay Lagamana dulmiyo. |
|
455 | 3 | 162 | أفمن اتبع رضوان الله كمن باء بسخط من الله ومأواه جهنم وبئس المصير |
| | | Ruux Raacay Raalli ahaanshaha Eebe ma la mid Baa Ruux la noqday Cadho Eebe Hoygiisuna yahay Jahannamo iyadaana U xun meel loo Noqdo. |
|
456 | 3 | 163 | هم درجات عند الله والله بصير بما يعملون |
| | | Iyagu waa Darajaad Eebe agtiisa, Eebana waa Arkaa waxay Fali. |
|
457 | 3 | 164 | لقد من الله على المؤمنين إذ بعث فيهم رسولا من أنفسهم يتلو عليهم آياته ويزكيهم ويعلمهم الكتاب والحكمة وإن كانوا من قبل لفي ضلال مبين |
| | | Dhab abaanbuu ugu Manaystay Eebe Mu'miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barina Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad. |
|
458 | 3 | 165 | أولما أصابتكم مصيبة قد أصبتم مثليها قلتم أنى هذا قل هو من عند أنفسكم إن الله على كل شيء قدير |
| | | Hadday idin Adiibtay (idinku Dhaeday) Dhibaato waxaad Asiibteen Laba Jibaarkeed (Badar) waxaad dhahdeen xaggee Nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa Agta Naftiinna, Eebana wax kasta wuu karaa. |
|
459 | 3 | 166 | وما أصابكم يوم التقى الجمعان فبإذن الله وليعلم المؤمنين |
| | | Waxa idinku dhacay Maalintay kulmeen Labadii Kooxood waa idamka Eebe iyo inuu Muujiyo Mu'miniinta. |
|
460 | 3 | 167 | وليعلم الذين نافقوا وقيل لهم تعالوا قاتلوا في سبيل الله أو ادفعوا قالوا لو نعلم قتالا لاتبعناكم هم للكفر يومئذ أقرب منهم للإيمان يقولون بأفواههم ما ليس في قلوبهم والله أعلم بما يكتمون |
| | | Iyo inuu Muujiyo kuwa Munaafaqoobay, oo loo yidhi Kaalaya ku Dirira Jidka Eebe ama Difaaca, waxayna dheheen Haddaan ognahay Dagaal waan idin raaci lahayn, iyagu Gaalnimaday Maalintaas uga Dhawyihiin Rumeyn, waxay ka odhan Afkooda waxaan ahayn Quluubtooda, Eebana waa ogyahay waxay Qarin. |
|
461 | 3 | 168 | الذين قالوا لإخوانهم وقعدوا لو أطاعونا ما قتلوا قل فادرءوا عن أنفسكم الموت إن كنتم صادقين |
| | | waa kuwa ku yidhi Walaalahood (Munaafiqiintu) iyagoo iska fadhiistay Hadday na Adeecaan lama Dilcen, waxaad dhahdaa ka Dhawra Naftiinna Geeri Haddaad Run sheegaysaan. |
|