نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4363 | 43 | 38 | حتى إذا جاءنا قال يا ليت بيني وبينك بعد المشرقين فبئس القرين |
| | | Markuu nooyimaaddo (Gaalku Qiyaamada) waxuu ku dhahaa (Shaydaanku) shaleytee mey dhexdeenna ahaato «wax la mid ah» fogaanshaha qorrax ka soobax iyo u dhaca, adaana u xun Saaxiib. |
|
4364 | 43 | 39 | ولن ينفعكم اليوم إذ ظلمتم أنكم في العذاب مشتركون |
| | | Wax idiinma tarayso Maanta haddaad dulmi fasheen inaad cadaab wadaagtaan (ku kulantaan). |
|
4365 | 43 | 40 | أفأنت تسمع الصم أو تهدي العمي ومن كان في ضلال مبين |
| | | Ma adaa wax maqashiin kara wax ma maqle, ma adaase hanuunin Kara (toosin kara) wax ma arke iyo cid ku sugan baadi cad. |
|
4366 | 43 | 41 | فإما نذهبن بك فإنا منهم منتقمون |
| | | Haddaan kulatagno adiga ku (oofsano) anaga uunbaa ka aarsan Gaalada. |
|
4367 | 43 | 42 | أو نرينك الذي وعدناهم فإنا عليهم مقتدرون |
| | | Haddaan ku tusino waxaan u yaboohnayoo cadaab ah, waanu karraa korkooda. |
|
4368 | 43 | 43 | فاستمسك بالذي أوحي إليك إنك على صراط مستقيم |
| | | Ee qabso waxa laguu waxyooday Nabiyow waxaad ku sugantahay Jid toosan. |
|
4369 | 43 | 44 | وإنه لذكر لك ولقومك وسوف تسألون |
| | | Quraankuna sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaagaba, waana leydin warsan doonaa. |
|
4370 | 43 | 45 | واسأل من أرسلنا من قبلك من رسلنا أجعلنا من دون الرحمن آلهة يعبدون |
| | | Warso kuwaan dirray ee kaa horeeyey oo Rasuuladanada ka mid ahaa inaan yeellay Eebaha Raxmaana Kasoboow Ilaahyaal la caabudo. |
|
4371 | 43 | 46 | ولقد أرسلنا موسى بآياتنا إلى فرعون وملئه فقال إني رسول رب العالمين |
| | | Dhab ahaan yaan ugu dirray Nabi Muuse isagoo wata aayaadkanaga xaga Fircoon iyo Jamaacadiisa, wuxuu yidhi anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebaha Caalamka. |
|
4372 | 43 | 47 | فلما جاءهم بآياتنا إذا هم منها يضحكون |
| | | Markuu ulayimid aayadkanaga waxay noqdeen kuwo ku qosla. |
|