نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4328 | 43 | 3 | إنا جعلناه قرآنا عربيا لعلكم تعقلون |
| | | annagaa ka yeelley Quraan Carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed. |
|
4329 | 43 | 4 | وإنه في أم الكتاب لدينا لعلي حكيم |
| | | Wuxuuna ku suganyahay Kitaabka asalkiisa (Looxul maxfuudka) agtiisa, waana sarreeyaa Quraanku falna sanyahay. |
|
4330 | 43 | 5 | أفنضرب عنكم الذكر صفحا أن كنتم قوما مسرفين |
| | | Ma waxaan Quraanka idiinka haysanaynaa (daysanayna) inaad tihiin qoom ku xadgudbay xumaanta. |
|
4331 | 43 | 6 | وكم أرسلنا من نبي في الأولين |
| | | Badanaa intaan udiray Nabi kuwii hore. |
|
4332 | 43 | 7 | وما يأتيهم من نبي إلا كانوا به يستهزئون |
| | | Nabi uma yimaado Gaaladii hadii kale way ku jees jeesi jireen. |
|
4333 | 43 | 8 | فأهلكنا أشد منهم بطشا ومضى مثل الأولين |
| | | Waxaana halaagnay kuwo ka xoogbadan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaaga ahaa). |
|
4334 | 43 | 9 | ولئن سألتهم من خلق السماوات والأرض ليقولن خلقهن العزيز العليم |
| | | Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og. |
|
4335 | 43 | 10 | الذي جعل لكم الأرض مهدا وجعل لكم فيها سبلا لعلكم تهتدون |
| | | Waana Eebaha idiin kayeeley dhulka gogol idiinkana yeeleydhexdiisa Wadooyin si aad ugu hanuuntaan (toostaan). |
|
4336 | 43 | 11 | والذي نزل من السماء ماء بقدر فأنشرنا به بلدة ميتا كذلك تخرجون |
| | | Waana Eebaha ka soo dajiyey Samada Biyo qadaran oon ku noolayno Magaalo dhimatay, saasaana leydiin soobixin. |
|
4337 | 43 | 12 | والذي خلق الأزواج كلها وجعل لكم من الفلك والأنعام ما تركبون |
| | | Waana Eebaha abuuray noocyada dhamaantood idiinkana yeeley Maraakiibta iyo Xoolaha waxaad kortaan. |
|