نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4243 | 41 | 25 | وقيضنا لهم قرناء فزينوا لهم ما بين أيديهم وما خلفهم وحق عليهم القول في أمم قد خلت من قبلهم من الجن والإنس إنهم كانوا خاسرين |
| | | Waxaan u darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray. |
|
4244 | 41 | 26 | وقال الذين كفروا لا تسمعوا لهذا القرآن والغوا فيه لعلكم تغلبون |
| | | Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u dhawdihiin inaad adkaataane. |
|
4245 | 41 | 27 | فلنذيقن الذين كفروا عذابا شديدا ولنجزينهم أسوأ الذي كانوا يعملون |
| | | Waxaan dhadhansiinaynaa kuwii Gaaloobay Cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii ugu xumaa waxay camal falayeen. |
|
4246 | 41 | 28 | ذلك جزاء أعداء الله النار لهم فيها دار الخلد جزاء بما كانوا بآياتنا يجحدون |
| | | Kaasi waa abaalmarinta colka Eebe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon Curi waarid, iyagoo laga abaal marin aayaadkanaga aydiideen. |
|
4247 | 41 | 29 | وقال الذين كفروا ربنا أرنا اللذين أضلانا من الجن والإنس نجعلهما تحت أقدامنا ليكونا من الأسفلين |
| | | Waxay dheheen kuwii Gaaloobay Eebow na tusi labadaas nadhumiyey oo Jinni iyo Insi ah aan yeelo Gomadahanaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya (Naarta). |
|
4248 | 41 | 30 | إن الذين قالوا ربنا الله ثم استقاموا تتنزل عليهم الملائكة ألا تخافوا ولا تحزنوا وأبشروا بالجنة التي كنتم توعدون |
| | | kuwa yidhi Eebahanno waa Alle hadana toosnaaday waxaa ku soo dagta Malaa'igta (markey dhiman iyadoo ku dhihi) ha cabsanina hana murugoonina, kuna bishaareysta Jannadii laydiin yaboohay. |
|
4249 | 41 | 31 | نحن أولياؤكم في الحياة الدنيا وفي الآخرة ولكم فيها ما تشتهي أنفسكم ولكم فيها ما تدعون |
| | | anagaa sokeeye idiin ah nolosha addunyo iyo aakhiraba, waxaana idiinsugnaaday dhexdeeda waxay doonto Naftiinnu waxaadna ka helaysaan waxaad dalabtaan. |
|
4250 | 41 | 32 | نزلا من غفور رحيم |
| | | Waana martiqaadka Eebaha dambi dhaafa ee Naxariista. |
|
4251 | 41 | 33 | ومن أحسن قولا ممن دعا إلى الله وعمل صالحا وقال إنني من المسلمين |
| | | yaa ka fiican hadal ruux ugu yeedhay (Dadka) Eebe xagiisa, oo camalfiican sameeyey, oo dhaha anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta. |
|
4252 | 41 | 34 | ولا تستوي الحسنة ولا السيئة ادفع بالتي هي أحسن فإذا الذي بينك وبينه عداوة كأنه ولي حميم |
| | | Mana eka Wanaag iyo Xumaan, reebna oo (bixi) arrinta fiican markaas waxaa soobixi in midkii col idin dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib. |
|