نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4025 | 38 | 55 | هذا وإن للطاغين لشر مآب |
| | | Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun. |
|
4026 | 38 | 56 | جهنم يصلونها فبئس المهاد |
| | | Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol. |
|
4027 | 38 | 57 | هذا فليذوقوه حميم وغساق |
| | | Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka. |
|
4028 | 38 | 58 | وآخر من شكله أزواج |
| | | Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah. |
|
4029 | 38 | 59 | هذا فوج مقتحم معكم لا مرحبا بهم إنهم صالو النار |
| | | Malaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta. |
|
4030 | 38 | 60 | قالوا بل أنتم لا مرحبا بكم أنتم قدمتموه لنا فبئس القرار |
| | | Waxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado. |
|
4031 | 38 | 61 | قالوا ربنا من قدم لنا هذا فزده عذابا ضعفا في النار |
| | | Waxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab Naarta. |
|
4032 | 38 | 62 | وقالوا ما لنا لا نرى رجالا كنا نعدهم من الأشرار |
| | | Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun, |
|
4033 | 38 | 63 | أتخذناهم سخريا أم زاغت عنهم الأبصار |
| | | Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii. |
|
4034 | 38 | 64 | إن ذلك لحق تخاصم أهل النار |
| | | Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka. |
|