نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
4008 | 38 | 38 | وآخرين مقرنين في الأصفاد |
| | | Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado., |
|
4009 | 38 | 39 | هذا عطاؤنا فامنن أو أمسك بغير حساب |
| | | (Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan. |
|
4010 | 38 | 40 | وإن له عندنا لزلفى وحسن مآب |
| | | Wuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican. |
|
4011 | 38 | 41 | واذكر عبدنا أيوب إذ نادى ربه أني مسني الشيطان بنصب وعذاب |
| | | Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab. |
|
4012 | 38 | 42 | اركض برجلك هذا مغتسل بارد وشراب |
| | | Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo. |
|
4013 | 38 | 43 | ووهبنا له أهله ومثلهم معهم رحمة منا وذكرى لأولي الألباب |
| | | Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch. |
|
4014 | 38 | 44 | وخذ بيدك ضغثا فاضرب به ولا تحنث إنا وجدناه صابرا نعم العبد إنه أواب |
| | | Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan. |
|
4015 | 38 | 45 | واذكر عبادنا إبراهيم وإسحاق ويعقوب أولي الأيدي والأبصار |
| | | Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa). |
|
4016 | 38 | 46 | إنا أخلصناهم بخالصة ذكرى الدار |
| | | Anagaa u dooranay xusidda aakhiro. |
|
4017 | 38 | 47 | وإنهم عندنا لمن المصطفين الأخيار |
| | | Waxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan. |
|