نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
389 | 3 | 96 | إن أول بيت وضع للناس للذي ببكة مباركا وهدى للعالمين |
| | | Guriga ugu horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan Maka (Kachada) waana barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka. |
|
390 | 3 | 97 | فيه آيات بينات مقام إبراهيم ومن دخله كان آمنا ولله على الناس حج البيت من استطاع إليه سبيلا ومن كفر فإن الله غني عن العالمين |
| | | Waxaa ku sugan Aayaad Cad Cad Maqqaamu Ibraahiimna (waa ku yaal) Ruuxii galana wuxuu ahaan Aamin, Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada, Ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay Caalamka. |
|
391 | 3 | 98 | قل يا أهل الكتاب لم تكفرون بآيات الله والله شهيد على ما تعملون |
| | | Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayaadka Eebe, isagoo Eebana Marag u yahay waxaad Camal falaysaan. |
|
392 | 3 | 99 | قل يا أهل الكتاب لم تصدون عن سبيل الله من آمن تبغونها عوجا وأنتم شهداء وما الله بغافل عما تعملون |
| | | Ehelu Kitabow maxaad uga Celinaysaan Dadka Eebe Ruuxii Rumeyn idinkoo la dooni (Xaqa) Qallooc idinkoo marag ah Eebana ma halmaansana waxaad Falaysaan. |
|
393 | 3 | 100 | يا أيها الذين آمنوا إن تطيعوا فريقا من الذين أوتوا الكتاب يردوكم بعد إيمانكم كافرين |
| | | Kuwa (Xaqa) rumeeyow Haddaad Adeecdaan (Maqashaan) Koox ka mid ah kuwa la Siiyey Kitabka (yuhuud iyo Nasaara) waxay idiin Celin Iimaankiinna ka dih Gaalnimo. |
|
394 | 3 | 101 | وكيف تكفرون وأنتم تتلى عليكم آيات الله وفيكم رسوله ومن يعتصم بالله فقد هدي إلى صراط مستقيم |
| | | Seed u Gaaloobaysaan idinkoo laydinku kor Akhrin Aayaadka Eebe Dhexdiinnana Joogo Rasuulkiisii, ruuxii Cuskada Eebe (oo ka dhawrsada) waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan. |
|
395 | 3 | 102 | يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله حق تقاته ولا تموتن إلا وأنتم مسلمون |
| | | Kuwa (Xaqa) rumeeyow ka dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa Xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn. |
|
396 | 3 | 103 | واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمت الله عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا وكنتم على شفا حفرة من النار فأنقذكم منها كذلك يبين الله لكم آياته لعلكم تهتدون |
| | | Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebe ee korkiinna ah, markaad Col ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood Noqoteen Niemada Eebe darteed Walaalo, idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oos idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan. |
|
397 | 3 | 104 | ولتكن منكم أمة يدعون إلى الخير ويأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر وأولئك هم المفلحون |
| | | Ha laydinka helo Umad u yeedha Khayrka oo fari Wanaagga oo ka reebta waxa la Naco (Xumaanta) kuwaasina waa uun kuwa Liibaanay. |
|
398 | 3 | 105 | ولا تكونوا كالذين تفرقوا واختلفوا من بعد ما جاءهم البينات وأولئك لهم عذاب عظيم |
| | | Hana noqonina kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen Xujooyin ka dib kuwaasina waa kuwa Cadaab weyn u Sugnaaday. |
|