نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
3823 | 37 | 35 | إنهم كانوا إذا قيل لهم لا إله إلا الله يستكبرون |
| | | Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. |
|
3824 | 37 | 36 | ويقولون أئنا لتاركو آلهتنا لشاعر مجنون |
| | | Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan. |
|
3825 | 37 | 37 | بل جاء بالحق وصدق المرسلين |
| | | Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray). |
|
3826 | 37 | 38 | إنكم لذائقو العذاب الأليم |
| | | Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya). |
|
3827 | 37 | 39 | وما تجزون إلا ما كنتم تعملون |
| | | Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. |
|
3828 | 37 | 40 | إلا عباد الله المخلصين |
| | | Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan). |
|
3829 | 37 | 41 | أولئك لهم رزق معلوم |
| | | Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). |
|
3830 | 37 | 42 | فواكه وهم مكرمون |
| | | Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. |
|
3831 | 37 | 43 | في جنات النعيم |
| | | Jannooyinka Naciima. |
|
3832 | 37 | 44 | على سرر متقابلين |
| | | Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. |
|