نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
3684 | 35 | 24 | إنا أرسلناك بالحق بشيرا ونذيرا وإن من أمة إلا خلا فيها نذير |
| | | Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma jirto. |
|
3685 | 35 | 25 | وإن يكذبوك فقد كذب الذين من قبلهم جاءتهم رسلهم بالبينات وبالزبر وبالكتاب المنير |
| | | Haday gaaladu ku beeniyaan waxaa wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin iyo kutub (waano) oo xukun leh. |
|
3686 | 35 | 26 | ثم أخذت الذين كفروا فكيف كان نكير |
| | | Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay, sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas) |
|
3687 | 35 | 27 | ألم تر أن الله أنزل من السماء ماء فأخرجنا به ثمرات مختلفا ألوانها ومن الجبال جدد بيض وحمر مختلف ألوانها وغرابيب سود |
| | | Miyaadan arkayn in Eebe ka soo dajiyay Samada biyo markaasna aan ku soo bixinaa Midho ay kala duwanyihiin midabkoodu, Buurahana waxaa ka mid ah wadooyin cad cad, iyo kuwo gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah. |
|
3688 | 35 | 28 | ومن الناس والدواب والأنعام مختلف ألوانه كذلك إنما يخشى الله من عباده العلماء إن الله عزيز غفور |
| | | Dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah midabo kala duwan saas oo kale. |
|
3689 | 35 | 29 | إن الذين يتلون كتاب الله وأقاموا الصلاة وأنفقوا مما رزقناهم سرا وعلانية يرجون تجارة لن تبور |
| | | Kuwa akhriya kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin. |
|
3690 | 35 | 30 | ليوفيهم أجورهم ويزيدهم من فضله إنه غفور شكور |
| | | Si Eebe ugu oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad badane. |
|
3691 | 35 | 31 | والذي أوحينا إليك من الكتاب هو الحق مصدقا لما بين يديه إن الله بعباده لخبير بصير |
| | | Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay, arkaana. |
|
3692 | 35 | 32 | ثم أورثنا الكتاب الذين اصطفينا من عبادنا فمنهم ظالم لنفسه ومنهم مقتصد ومنهم سابق بالخيرات بإذن الله ذلك هو الفضل الكبير |
| | | Markaasaan dhaxalsiinay kitaabka kuwaan dooranay oo addoomadanada ka mid ah, waxaase ka mid ah mid dulmiyay naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebe, arrintaasna waa fadli weyn. |
|
3693 | 35 | 33 | جنات عدن يدخلونها يحلون فيها من أساور من ذهب ولؤلؤا ولباسهم فيها حرير |
| | | Jannada cadnin yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed asaawir (wax loogu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar kooduna dhexdeeda waa xariir. |
|