نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
356 | 3 | 63 | فإن تولوا فإن الله عليم بالمفسدين |
| | | Hadday jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya. |
|
357 | 3 | 64 | قل يا أهل الكتاب تعالوا إلى كلمة سواء بيننا وبينكم ألا نعبد إلا الله ولا نشرك به شيئا ولا يتخذ بعضنا بعضا أربابا من دون الله فإن تولوا فقولوا اشهدوا بأنا مسلمون |
| | | Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay. |
|
358 | 3 | 65 | يا أهل الكتاب لم تحاجون في إبراهيم وما أنزلت التوراة والإنجيل إلا من بعده أفلا تعقلون |
| | | Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn. |
|
359 | 3 | 66 | ها أنتم هؤلاء حاججتم فيما لكم به علم فلم تحاجون فيما ليس لكم به علم والله يعلم وأنتم لا تعلمون |
| | | Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin. |
|
360 | 3 | 67 | ما كان إبراهيم يهوديا ولا نصرانيا ولكن كان حنيفا مسلما وما كان من المشركين |
| | | Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada). |
|
361 | 3 | 68 | إن أولى الناس بإبراهيم للذين اتبعوه وهذا النبي والذين آمنوا والله ولي المؤمنين |
| | | Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta. |
|
362 | 3 | 69 | ودت طائفة من أهل الكتاب لو يضلونكم وما يضلون إلا أنفسهم وما يشعرون |
| | | Waxay jeelaatay koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan Naftooda ahayn, mana kasayaan. |
|
363 | 3 | 70 | يا أهل الكتاب لم تكفرون بآيات الله وأنتم تشهدون |
| | | Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og xaqnimadeeda). |
|
364 | 3 | 71 | يا أهل الكتاب لم تلبسون الحق بالباطل وتكتمون الحق وأنتم تعلمون |
| | | Ehelu Kitaabow maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa idinkoo og. |
|
365 | 3 | 72 | وقالت طائفة من أهل الكتاب آمنوا بالذي أنزل على الذين آمنوا وجه النهار واكفروا آخره لعلهم يرجعون |
| | | Waxay dhaheen koox ka mid ah Ehelu Kitaabka rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa (Xaqa) rumeeyey (Quraanka) Maalinta horteeda kana gaalooba maalinta gadaasheeda waxay u dhawyihiin Mu'miniintu inay noqdaane (Gaaloobaan). |
|