نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
352 | 3 | 59 | إن مثل عيسى عند الله كمثل آدم خلقه من تراب ثم قال له كن فيكون |
| | | Tusaalaha Ciise Eebe agtiisa waa sida (Nabi) aadam, Eebaa ka Abuuray Carro markaasuu u yidhi ahow wuuna ahaan. |
|
353 | 3 | 60 | الحق من ربك فلا تكن من الممترين |
| | | Xaqu Eebahaa nuu ka ahaaday ee ha noqonin kuwa shakiya. |
|
354 | 3 | 61 | فمن حاجك فيه من بعد ما جاءك من العلم فقل تعالوا ندع أبناءنا وأبناءكم ونساءنا ونساءكم وأنفسنا وأنفسكم ثم نبتهل فنجعل لعنت الله على الكاذبين |
| | | ee ruuxii kugula dooda intuu kuu yimid Cilmi ka dib waxaad dhahdaa kaalaya aan u yeedhno Caruurtannada iyo Caruurtiinna iyo Naftanaada iyo Naftiinna markaas aan baryootanno oon laeanadda Eebe kor yeello Beenaalayaasha. |
|
355 | 3 | 62 | إن هذا لهو القصص الحق وما من إله إلا الله وإن الله لهو العزيز الحكيم |
| | | Kaas (Quraanka) unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro, Eebana waa adkaade falsan. |
|
356 | 3 | 63 | فإن تولوا فإن الله عليم بالمفسدين |
| | | Hadday jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya. |
|
357 | 3 | 64 | قل يا أهل الكتاب تعالوا إلى كلمة سواء بيننا وبينكم ألا نعبد إلا الله ولا نشرك به شيئا ولا يتخذ بعضنا بعضا أربابا من دون الله فإن تولوا فقولوا اشهدوا بأنا مسلمون |
| | | Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin Eebe mooyee, (wax kale) oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay. |
|
358 | 3 | 65 | يا أهل الكتاب لم تحاجون في إبراهيم وما أنزلت التوراة والإنجيل إلا من بعده أفلا تعقلون |
| | | Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn. |
|
359 | 3 | 66 | ها أنتم هؤلاء حاججتم فيما لكم به علم فلم تحاجون فيما ليس لكم به علم والله يعلم وأنتم لا تعلمون |
| | | Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin. |
|
360 | 3 | 67 | ما كان إبراهيم يهوديا ولا نصرانيا ولكن كان حنيفا مسلما وما كان من المشركين |
| | | Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada). |
|
361 | 3 | 68 | إن أولى الناس بإبراهيم للذين اتبعوه وهذا النبي والذين آمنوا والله ولي المؤمنين |
| | | Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta. |
|