نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
3267 | 28 | 15 | ودخل المدينة على حين غفلة من أهلها فوجد فيها رجلين يقتتلان هذا من شيعته وهذا من عدوه فاستغاثه الذي من شيعته على الذي من عدوه فوكزه موسى فقضى عليه قال هذا من عمل الشيطان إنه عدو مضل مبين |
| | | Wuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn, wuxuuna Helay Labo Nin oo Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay Colkiisa, waxaana u Kaalmo warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay Muuse wuuna Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya oo Cad. |
|
3268 | 28 | 16 | قال رب إني ظلمت نفسي فاغفر لي فغفر له إنه هو الغفور الرحيم |
| | | Wuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi Dhaafay Illeen Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariistee. |
|
3269 | 28 | 17 | قال رب بما أنعمت علي فلن أكون ظهيرا للمجرمين |
| | | Wuxuuna Yidhi Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u Kaalmeeya Dambiilayaasha. |
|
3270 | 28 | 18 | فأصبح في المدينة خائفا يترقب فإذا الذي استنصره بالأمس يستصرخه قال له موسى إنك لغوي مبين |
| | | Wuxuu ku Waabariistay Magaaladii Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu waxaad tahay baadi cad. |
|
3271 | 28 | 19 | فلما أن أراد أن يبطش بالذي هو عدو لهما قال يا موسى أتريد أن تقتلني كما قتلت نفسا بالأمس إن تريد إلا أن تكون جبارا في الأرض وما تريد أن تكون من المصلحين |
| | | Markuu Doonay inuu Qabto (Wax yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey) Muusow ma waxaad dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale) Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana Doonaysid inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya. |
|
3272 | 28 | 20 | وجاء رجل من أقصى المدينة يسعى قال يا موسى إن الملأ يأتمرون بك ليقتلوك فاخرج إني لك من الناصحين |
| | | Waxaana ka Yimid Magaalada Xageeda God Nin Ordi oo leh Muusow, Qoomku waxay ku Tashanayaan inay ku Dilaan ee Bax Anuguna waan kuu Naseexayne. |
|
3273 | 28 | 21 | فخرج منها خائفا يترقب قال رب نجني من القوم الظالمين |
| | | Wuuna ka Baxay (Magaaladii) Isagoo Cabsan oo Filan (waxyeello) wuxuuna yidhi Eebow iga Kori Qoomka Daalimiinta ah. |
|
3274 | 28 | 22 | ولما توجه تلقاء مدين قال عسى ربي أن يهديني سواء السبيل |
| | | Markuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu u Dhawyahay Eebahay inuu igu (Hanuuniyo) jidka Toosan. |
|
3275 | 28 | 23 | ولما ورد ماء مدين وجد عليه أمة من الناس يسقون ووجد من دونهم امرأتين تذودان قال ما خطبكما قالتا لا نسقي حتى يصدر الرعاء وأبونا شيخ كبير |
| | | Markuu Gaadhay Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa wuxuuna ka helay Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku, Aabbahanana waa Oday Wayn. |
|
3276 | 28 | 24 | فسقى لهما ثم تولى إلى الظل فقال رب إني لما أنزلت إلي من خير فقير |
| | | Markaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska wuxuuna Yidhi Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay. |
|