نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2933 | 26 | 1 | بسم الله الرحمن الرحيم طسم |
| | | Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. |
|
2934 | 26 | 2 | تلك آيات الكتاب المبين |
| | | Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. |
|
2935 | 26 | 3 | لعلك باخع نفسك ألا يكونوا مؤمنين |
| | | Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. |
|
2936 | 26 | 4 | إن نشأ ننزل عليهم من السماء آية فظلت أعناقهم لها خاضعين |
| | | Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. |
|
2937 | 26 | 5 | وما يأتيهم من ذكر من الرحمن محدث إلا كانوا عنه معرضين |
| | | Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. |
|
2938 | 26 | 6 | فقد كذبوا فسيأتيهم أنباء ما كانوا به يستهزئون |
| | | Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. |
|
2939 | 26 | 7 | أولم يروا إلى الأرض كم أنبتنا فيها من كل زوج كريم |
| | | Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. |
|
2940 | 26 | 8 | إن في ذلك لآية وما كان أكثرهم مؤمنين |
| | | Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). |
|
2941 | 26 | 9 | وإن ربك لهو العزيز الرحيم |
| | | Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. |
|
2942 | 26 | 10 | وإذ نادى ربك موسى أن ائت القوم الظالمين |
| | | (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. |
|