نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2836 | 24 | 45 | والله خلق كل دابة من ماء فمنهم من يمشي على بطنه ومنهم من يمشي على رجلين ومنهم من يمشي على أربع يخلق الله ما يشاء إن الله على كل شيء قدير |
| | | Eebaa ka Abuuray wax Kastoo socda (oo nool) Biyo waxaana ka Mid ah mid ku Socda Calooshiisa, waxaana ka mid ah mid ku Socda Labo Lugood, Waxaana ka mid ah mid ku Socda Afar, wuxuu Abuuraa Eebe wuxuu Doono, Eebana wax kasta waa Karaa. |
|
2837 | 24 | 46 | لقد أنزلنا آيات مبينات والله يهدي من يشاء إلى صراط مستقيم |
| | | Waxaan soo Dejinay Aayaad Cad Cad, Eebana wuxuu ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan. |
|
2838 | 24 | 47 | ويقولون آمنا بالله وبالرسول وأطعنا ثم يتولى فريق منهم من بعد ذلك وما أولئك بالمؤمنين |
| | | Waxay Dhihi (Munaafiqiintu) Waxaan rumeeynay Eebe iyo Rasuulka waana Adeecnay markaasaa waxaa Jeedsada Kooxo ka Mid ah Intaas ka Dib, Kuwaasi ma ah Mu'miniin. |
|
2839 | 24 | 48 | وإذا دعوا إلى الله ورسوله ليحكم بينهم إذا فريق منهم معرضون |
| | | Marka Loogu Yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala Xukumo Dhexdooda waxaa soo Baxa Koox ka Mid ah oo Jeedsan. |
|
2840 | 24 | 49 | وإن يكن لهم الحق يأتوا إليه مذعنين |
| | | Hadduu Xaqu iyaga U sugnaado way u Yimaadaan iyagoo Adeeci. |
|
2841 | 24 | 50 | أفي قلوبهم مرض أم ارتابوا أم يخافون أن يحيف الله عليهم ورسوله بل أولئك هم الظالمون |
| | | Ma Qalbigay ka Bukaan mise way Shakiyeen mise waxay ka Cabsan in Eebe ku Jawr falo iyo Rasuulkiisu, saas ma aha ee kuwaasu waa kuwo Daalimiin ah. |
|
2842 | 24 | 51 | إنما كان قول المؤمنين إذا دعوا إلى الله ورسوله ليحكم بينهم أن يقولوا سمعنا وأطعنا وأولئك هم المفلحون |
| | | Mu'minka Hadalkiisu marka loogu yeedho Eebe iyo Rasuulkiisu inuu kala Xukumo Dhexdooda waa uun Inay Dhahaan waan Maqallay Waana Adeecnay kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. |
|
2843 | 24 | 52 | ومن يطع الله ورسوله ويخش الله ويتقه فأولئك هم الفائزون |
| | | Ciddii Adeecda Eebe iyo Rasuulkiisa oo Cabsata kana Dhawrsata Kuwaasi waa uun kuwa Liibaanay. |
|
2844 | 24 | 53 | وأقسموا بالله جهد أيمانهم لئن أمرتهم ليخرجن قل لا تقسموا طاعة معروفة إن الله خبير بما تعملون |
| | | Waxay ugu Dhaarteen Eebe (Munaafiqiinta) Dhaar Daran inay u Baxaan (Jahaad) waxaad Dhahdaa ha Dhaaranina Adeecid la Yaqaan (ha Ahaado Xaalkiinnu) Eebana waa Ogyahay waxaad Falaysaan. |
|
2845 | 24 | 54 | قل أطيعوا الله وأطيعوا الرسول فإن تولوا فإنما عليه ما حمل وعليكم ما حملتم وإن تطيعوه تهتدوا وما على الرسول إلا البلاغ المبين |
| | | Waxaad Dhahdaa Addeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka Haddaad Jeedsataanna waxaa uun Korkiisa ah (Nabiga) waxa la Saaray (la Faray) idinkana waxa Korkiinna ah waxa laydin Saaray (Xaq raacid) haddaad Addeecdaan (Nabiga) waad Hanuunaysaan, Rasuulkana ma Saarra waxaan Gaadhsiin Cad ahayn. |
|