نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2811 | 24 | 20 | ولولا فضل الله عليكم ورحمته وأن الله رءوف رحيم |
| | | Hadduuna jirin Fadliga Eebe ee Korkiina iyo Naxariistiisa iyo in Eebe yahay Naxariis badane Ilaaliya, (Waxaa ahaan lahaa wax kale). |
|
2812 | 24 | 21 | يا أيها الذين آمنوا لا تتبعوا خطوات الشيطان ومن يتبع خطوات الشيطان فإنه يأمر بالفحشاء والمنكر ولولا فضل الله عليكم ورحمته ما زكى منكم من أحد أبدا ولكن الله يزكي من يشاء والله سميع عليم |
| | | Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco, Hadduusan jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa ma Daahirineen Ruux idinka Mid ah Waligeed, Laakiin Eebaa Daahiriya Cidduu Doono, Eebana waa Maqle Og. |
|
2813 | 24 | 22 | ولا يأتل أولو الفضل منكم والسعة أن يؤتوا أولي القربى والمساكين والمهاجرين في سبيل الله وليعفوا وليصفحوا ألا تحبون أن يغفر الله لكم والله غفور رحيم |
| | | Yeyna ku Dhaaranin kuwa Fadliga (Dheeraadka) leh iyo Ilodanimada inayan wax siinayn Qaraabada, Masaakiinta iyo kuwa ku Hijrooda Jidka Eebe, hana iska Cafiyaan hana Saamaxeen, miyeydaan Jeelayn inuu idiin Dhaafo Eebe, Ilaahayna waa Dhaafe Naxariista. |
|
2814 | 24 | 23 | إن الذين يرمون المحصنات الغافلات المؤمنات لعنوا في الدنيا والآخرة ولهم عذاب عظيم |
| | | Kuwa Gana «Qadfa» Haweenka Dhawrsoon ee Halmaansan (Xumaanta) ee Mu'minaadka ah waa La Lacnaday Adduun iyo Aakhiraba, waxayna Mudan Cadaab Weyn. |
|
2815 | 24 | 24 | يوم تشهد عليهم ألسنتهم وأيديهم وأرجلهم بما كانوا يعملون |
| | | Maalinta Ay ku Marag-kici Carrabadoodu, Caemahoodu, iyo Lugahoodu waxay Camalfaleen. |
|
2816 | 24 | 25 | يومئذ يوفيهم الله دينهم الحق ويعلمون أن الله هو الحق المبين |
| | | Maalintaas wuxuu u oofin Eebe Abaal Marintooda Sugan, waxayna Ogaan in Eebe Yahay Xaqa Cad (Sugan). |
|
2817 | 24 | 26 | الخبيثات للخبيثين والخبيثون للخبيثات والطيبات للطيبين والطيبون للطيبات أولئك مبرءون مما يقولون لهم مغفرة ورزق كريم |
| | | Haweenka iyo Hadalka Xunba wuxuu u Sugnaaday Nimanka Xun, kuwa Xunna waxay u sugnaadeen kuwa Xun, Kuwa Wanaagsanna waxay u sugnaadeen Kuwa Wanaagsan, kuwaasna (Caa'isha iyo Ehelkeedu) waa Ka Bari (Dheeryihiin) waxay Sheegi, waxayna Mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno). |
|
2818 | 24 | 27 | يا أيها الذين آمنوا لا تدخلوا بيوتا غير بيوتكم حتى تستأنسوا وتسلموا على أهلها ذلكم خير لكم لعلكم تذكرون |
| | | Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Galina Guryo aan Kuwiinna ahayn Intaad ka Idam Warsataan kana Salaantaan Ehelkooda, Saasaana idiin Khayr Roon si aad u Xusuusataan. |
|
2819 | 24 | 28 | فإن لم تجدوا فيها أحدا فلا تدخلوها حتى يؤذن لكم وإن قيل لكم ارجعوا فارجعوا هو أزكى لكم والله بما تعملون عليم |
| | | Haddaydaan ka Helin Dhexdeeda Ruuxna ha Galina inta Laydinka Idmi, Haddii laydindhaho Noqdana Noqda, Saasaa idiin Wanaagsan, Eebana Waxaad Falaysaan wuu Ogyahay. |
|
2820 | 24 | 29 | ليس عليكم جناح أن تدخلوا بيوتا غير مسكونة فيها متاع لكم والله يعلم ما تبدون وما تكتمون |
| | | Ma aha Korkiinna Dhib (Dambi) Inaad Gashaan Guryo aan la Deganayn oo Dan (Anfaco) idiinku Jirto, Eebe wuxuu Ogyahay waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan. |
|