نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
256 | 2 | 249 | فلما فصل طالوت بالجنود قال إن الله مبتليكم بنهر فمن شرب منه فليس مني ومن لم يطعمه فإنه مني إلا من اغترف غرفة بيده فشربوا منه إلا قليلا منهم فلما جاوزه هو والذين آمنوا معه قالوا لا طاقة لنا اليوم بجالوت وجنوده قال الذين يظنون أنهم ملاقو الله كم من فئة قليلة غلبت فئة كثيرة بإذن الله والله مع الصابرين |
| | | markuu la baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la jiraa kuwa Samra. |
|
257 | 2 | 250 | ولما برزوا لجالوت وجنوده قالوا ربنا أفرغ علينا صبرا وثبت أقدامنا وانصرنا على القوم الكافرين |
| | | markay u soo muuqdeen Jaaluud iyo Colkiisii waxay dhaheen Mu'miniintii Eebbow ku shub korkannaga Samir, sugna Gomadahanaga noogana gargaar Qoomka Gaalada ah. |
|
258 | 2 | 251 | فهزموهم بإذن الله وقتل داوود جالوت وآتاه الله الملك والحكمة وعلمه مما يشاء ولولا دفع الله الناس بعضهم ببعض لفسدت الأرض ولكن الله ذو فضل على العالمين |
| | | markaasay (Mu'miniintii) jabiyeen Gaaladii idinka Eebe, wuuna dilay Daawuud Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebe Daawuud Xukun iyo xigmo (Nabinimo iyo Cilmi) wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan jirin ku reebidda eebe dadka qaarkood qaarka (kale) waxaa fasaadi lahaa dhulka hasayeeshee Eebe waa fadli u saaxiib «u deeqe» caalamka. |
|
259 | 2 | 252 | تلك آيات الله نتلوها عليك بالحق وإنك لمن المرسلين |
| | | taasi waa aayadka Eebe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah, adiguna Waxaad kamidtahay kuwa la soo diray «Rasuulada»; |
|
260 | 2 | 253 | تلك الرسل فضلنا بعضهم على بعض منهم من كلم الله ورفع بعضهم درجات وآتينا عيسى ابن مريم البينات وأيدناه بروح القدس ولو شاء الله ما اقتتل الذين من بعدهم من بعد ما جاءتهم البينات ولكن اختلفوا فمنهم من آمن ومنهم من كفر ولو شاء الله ما اقتتلوا ولكن الله يفعل ما يريد |
| | | kuwaasu waa Rasuuladi Waana ka fadilnaa qaarkood warka (kale) waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebe wuuna koryeelay qarkood darajooyin. waxaana siinay Ciise Binu Maryama xujooyin, Waxaana ku xoo jinay ruuxdii dahirka ahayd Malaku Jibriil. haduu Ebe doono ismalaayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib. laakiin way is khilaafeen waxaa ka Midah mid rumeeyay (xaqa) waxaana kamidah mid ka gallobay. haduu Ebe doonana isma laayeen. laakiin Eebe wuxuu falaa wuxuu doono. |
|
261 | 2 | 254 | يا أيها الذين آمنوا أنفقوا مما رزقناكم من قبل أن يأتي يوم لا بيع فيه ولا خلة ولا شفاعة والكافرون هم الظالمون |
| | | kuwa (xaqa) rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor Imaatin maalin (Qiyaamada) oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah. |
|
262 | 2 | 255 | الله لا إله إلا هو الحي القيوم لا تأخذه سنة ولا نوم له ما في السماوات وما في الأرض من ذا الذي يشفع عنده إلا بإذنه يعلم ما بين أيديهم وما خلفهم ولا يحيطون بشيء من علمه إلا بما شاء وسع كرسيه السماوات والأرض ولا يئوده حفظهما وهو العلي العظيم |
| | | Eebe Ilaahaan isada ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, Khalqigana maamula. Ma qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka, waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn. |
|
263 | 2 | 256 | لا إكراه في الدين قد تبين الرشد من الغي فمن يكفر بالطاغوت ويؤمن بالله فقد استمسك بالعروة الوثقى لا انفصام لها والله سميع عليم |
| | | Igraah (Qasab) ma aha Diinta galideedu, Hanuunkii (limaanku) waa ka cadaaday (soocanyahay) Baadida (Gaalnimada) ruuxiise diida Dhaaquut (shayaadiinta iyo xuma fare wixii ah) oo Tumeeya Eebe wuxuu qabsaday xadhig (guntay) sugan oo adag (Islaamka) oon go'ayn, Eebana waa maqle og. |
|
264 | 2 | 257 | الله ولي الذين آمنوا يخرجهم من الظلمات إلى النور والذين كفروا أولياؤهم الطاغوت يخرجونهم من النور إلى الظلمات أولئك أصحاب النار هم فيها خالدون |
| | | Eeba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey xaqa, wuxuuna ka bixiyaa mugdiga (Gaalnimada) una bixiyaa Nuurka (iimaanka), kuwa Gaaloobayna gargaarahoodu waa Dhaaquut (Xumaan fare) wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa Mugdiga (Gaalnimada) kuwaasina waa ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda. |
|
265 | 2 | 258 | ألم تر إلى الذي حاج إبراهيم في ربه أن آتاه الله الملك إذ قال إبراهيم ربي الذي يحيي ويميت قال أنا أحيي وأميت قال إبراهيم فإن الله يأتي بالشمس من المشرق فأت بها من المغرب فبهت الذي كفر والله لا يهدي القوم الظالمين |
| | | ka warran (warkiisu nia ku soogaadhay) kit kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyey xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyey (oo aamusay) kii gaaloobay, Eebana ma hanunniyo Qoom daalimiin ah. |
|