نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2505 | 21 | 22 | لو كان فيهما آلهة إلا الله لفسدتا فسبحان الله رب العرش عما يصفون |
| | | Hadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami. |
|
2506 | 21 | 23 | لا يسأل عما يفعل وهم يسألون |
| | | Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan. |
|
2507 | 21 | 24 | أم اتخذوا من دونه آلهة قل هاتوا برهانكم هذا ذكر من معي وذكر من قبلي بل أكثرهم لا يعلمون الحق فهم معرضون |
| | | Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan. |
|
2508 | 21 | 25 | وما أرسلنا من قبلك من رسول إلا نوحي إليه أنه لا إله إلا أنا فاعبدون |
| | | Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda. |
|
2509 | 21 | 26 | وقالوا اتخذ الرحمن ولدا سبحانه بل عباد مكرمون |
| | | waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo. |
|
2510 | 21 | 27 | لا يسبقونه بالقول وهم بأمره يعملون |
| | | kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan. |
|
2511 | 21 | 28 | يعلم ما بين أيديهم وما خلفهم ولا يشفعون إلا لمن ارتضى وهم من خشيته مشفقون |
| | | wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan. |
|
2512 | 21 | 29 | ومن يقل منهم إني إله من دونه فذلك نجزيه جهنم كذلك نجزي الظالمين |
| | | ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. |
|
2513 | 21 | 30 | أولم ير الذين كفروا أن السماوات والأرض كانتا رتقا ففتقناهما وجعلنا من الماء كل شيء حي أفلا يؤمنون |
| | | miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn. |
|
2514 | 21 | 31 | وجعلنا في الأرض رواسي أن تميد بهم وجعلنا فيها فجاجا سبلا لعلهم يهتدون |
| | | waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan. |
|