نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
243 | 2 | 236 | لا جناح عليكم إن طلقتم النساء ما لم تمسوهن أو تفرضوا لهن فريضة ومتعوهن على الموسع قدره وعلى المقتر قدره متاعا بالمعروف حقا على المحسنين |
| | | dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada. |
|
244 | 2 | 237 | وإن طلقتموهن من قبل أن تمسوهن وقد فرضتم لهن فريضة فنصف ما فرضتم إلا أن يعفون أو يعفو الذي بيده عقدة النكاح وأن تعفوا أقرب للتقوى ولا تنسوا الفضل بينكم إن الله بما تعملون بصير |
| | | haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa. |
|
245 | 2 | 238 | حافظوا على الصلوات والصلاة الوسطى وقوموا لله قانتين |
| | | xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci). |
|
246 | 2 | 239 | فإن خفتم فرجالا أو ركبانا فإذا أمنتم فاذكروا الله كما علمكم ما لم تكونوا تعلمون |
| | | haddaad cabsataan Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa Eebe siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada). |
|
247 | 2 | 240 | والذين يتوفون منكم ويذرون أزواجا وصية لأزواجهم متاعا إلى الحول غير إخراج فإن خرجن فلا جناح عليكم في ما فعلن في أنفسهن من معروف والله عزيز حكيم |
| | | kuwa la oofsado (dhinto) idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah, Eebana waa adkaade falsan. |
|
248 | 2 | 241 | وللمطلقات متاع بالمعروف حقا على المتقين |
| | | kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada. |
|
249 | 2 | 242 | كذلك يبين الله لكم آياته لعلكم تعقلون |
| | | saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad kastaan darteed. |
|
250 | 2 | 243 | ألم تر إلى الذين خرجوا من ديارهم وهم ألوف حذر الموت فقال لهم الله موتوا ثم أحياهم إن الله لذو فضل على الناس ولكن أكثر الناس لا يشكرون |
| | | ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kuman ah digtooni geeri darteed, markaas ku yidhi Eebe dhinta, soona nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa, Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan. |
|
251 | 2 | 244 | وقاتلوا في سبيل الله واعلموا أن الله سميع عليم |
| | | ku dirira Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay. |
|
252 | 2 | 245 | من ذا الذي يقرض الله قرضا حسنا فيضاعفه له أضعافا كثيرة والله يقبض ويبسط وإليه ترجعون |
| | | waa kuma kan amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka. |
|