نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2155 | 18 | 15 | هؤلاء قومنا اتخذوا من دونه آلهة لولا يأتون عليهم بسلطان بين فمن أظلم ممن افترى على الله كذبا |
| | | Kuwaasu waa qoomkanagii waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebe dushiisa been. |
|
2156 | 18 | 16 | وإذ اعتزلتموهم وما يعبدون إلا الله فأووا إلى الكهف ينشر لكم ربكم من رحمته ويهيئ لكم من أمركم مرفقا |
| | | markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay u dunma godka wuxuu idiin fidin Eebihiin naxariise idinkanadarbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga. |
|
2157 | 18 | 17 | وترى الشمس إذا طلعت تزاور عن كهفهم ذات اليمين وإذا غربت تقرضهم ذات الشمال وهم في فجوة منه ذلك من آيات الله من يهد الله فهو المهتد ومن يضلل فلن تجد له وليا مرشدا |
| | | waxaad arkaysaa Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig, markay dhicina ka Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka, taasina waxay ka mid tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan, Ruuxuu Dhumiyana u helimaysid Gargaare hanuuniya. |
|
2158 | 18 | 18 | وتحسبهم أيقاظا وهم رقود ونقلبهم ذات اليمين وذات الشمال وكلبهم باسط ذراعيه بالوصيد لو اطلعت عليهم لوليت منهم فرارا ولملئت منهم رعبا |
| | | Waxaad u malayn inay soo jeedaan iyagoo Jiifa, waxaana u gagadin Midig iyo Bidix, Eygoodiina wuxuu ku fidin Dhudhumadiisa Albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsanlahayd, adoocarari waxaana lagaa buuxinlahaa Xagooda Argagax. |
|
2159 | 18 | 19 | وكذلك بعثناهم ليتساءلوا بينهم قال قائل منهم كم لبثتم قالوا لبثنا يوما أو بعض يوم قالوا ربكم أعلم بما لبثتم فابعثوا أحدكم بورقكم هذه إلى المدينة فلينظر أيها أزكى طعاما فليأتكم برزق منه وليتلطف ولا يشعرن بكم أحدا |
| | | Saasaana u soo bixinay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay Maalin ama maalin qaarkeed, waxay dhaheen Eebeheenbaa og waxaad nagaateen ee ladira midkiin lacagtan xagga Magaalada, hana soo fiiriyo Cid Cunno xalaalaysan * hana idiinka Keeno Rizqi hana isqariyo (oo istartiibiyo) yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna. |
|
2160 | 18 | 20 | إنهم إن يظهروا عليكم يرجموكم أو يعيدوكم في ملتهم ولن تفلحوا إذا أبدا |
| | | iyagu hadday idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku Celin diintooda mana Liibaanaysaan markaas waligiin. |
|
2161 | 18 | 21 | وكذلك أعثرنا عليهم ليعلموا أن وعد الله حق وأن الساعة لا ريب فيها إذ يتنازعون بينهم أمرهم فقالوا ابنوا عليهم بنيانا ربهم أعلم بهم قال الذين غلبوا على أمرهم لنتخذن عليهم مسجدا |
| | | Saasaan u daalacsiinay (u tusinay) Dadka si ay u ogaadaan in yabooha Eebe Xaq yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinay) markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa korkooda dhismo, Eebahood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey amarkooda aan ka yeelano korkooda Masaajid. |
|
2162 | 18 | 22 | سيقولون ثلاثة رابعهم كلبهم ويقولون خمسة سادسهم كلبهم رجما بالغيب ويقولون سبعة وثامنهم كلبهم قل ربي أعلم بعدتهم ما يعلمهم إلا قليل فلا تمار فيهم إلا مراء ظاهرا ولا تستفت فيهم منهم أحدا |
| | | waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey Eygoodii, waxay dhihi waxay ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi cilmi la'aan) waxay dhihi waxay ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii, waxaad dhahdaa Eebahay baa og tiradooda, mana oga wax yar mooyee, ee ha kula murmin xaalkooda muran muuqda oo fudud mooyee, hana waydiin xaggooda Ruuxna. |
|
2163 | 18 | 23 | ولا تقولن لشيء إني فاعل ذلك غدا |
| | | ha ku dhihin shaygaasaan fali barii. |
|
2164 | 18 | 24 | إلا أن يشاء الله واذكر ربك إذا نسيت وقل عسى أن يهدين ربي لأقرب من هذا رشدا |
| | | (adoon dhihin) hadduu doono Eebe, xusna Eebahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u dhawyahay inuu igu hanuuniyo Eebahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah. |
|