نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2110 | 17 | 81 | وقل جاء الحق وزهق الباطل إن الباطل كان زهوقا |
| | | Waxaad dhahdaa waxaa yimid Xaqii Waxaana tirtirmay Baadhilkii, Baadhilkiina wuxuu noqday mid la tirtiro. |
|
2111 | 17 | 82 | وننزل من القرآن ما هو شفاء ورحمة للمؤمنين ولا يزيد الظالمين إلا خسارا |
| | | Waxaana soo dajinaynaa Quraanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, Daalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasare ahayn. |
|
2112 | 17 | 83 | وإذا أنعمنا على الإنسان أعرض ونأى بجانبه وإذا مسه الشر كان يئوسا |
| | | Markaan u nicmaynno dadka wuu Jeedsadaa (xaqa ka fogaadaa) Haduu taabto dhibna wuu quustaa. |
|
2113 | 17 | 84 | قل كل يعمل على شاكلته فربكم أعلم بمن هو أهدى سبيلا |
| | | Waxaad dhahdaa cid kasta ha ku camal fasho jidkkeda (Diinteeda) Eebihiinbaa og Cidda jidkeedu hanuun badan yahaye. |
|
2114 | 17 | 85 | ويسألونك عن الروح قل الروح من أمر ربي وما أوتيتم من العلم إلا قليلا |
| | | Waxay ku warsan Ruuxda, dheh ruuxdu waa Amarka Eebahay Cilmina wax yarbaa la idin siiyay. |
|
2115 | 17 | 86 | ولئن شئنا لنذهبن بالذي أوحينا إليك ثم لا تجد لك به علينا وكيلا |
| | | Haddaan doonno waanu la tagi kaan kuu Waxyoonay (Quraanka) Markaasna uma helaysid Korkannaga wakiil (gargaare). |
|
2116 | 17 | 87 | إلا رحمة من ربك إن فضله كان عليك كبيرا |
| | | Naxariista Eebahaa Mooyee illeen fadligiisu Korkaaga waa ku wayn yahaye. |
|
2117 | 17 | 88 | قل لئن اجتمعت الإنس والجن على أن يأتوا بمثل هذا القرآن لا يأتون بمثله ولو كان بعضهم لبعض ظهيرا |
| | | Waxaad dhahdaa hadday u kulmaan Insi iyo Jinni inay la yimaadaan Quraankan oo Kale lama imaan karaan wax lamida Qaarkood qaar haba caawiyee. |
|
2118 | 17 | 89 | ولقد صرفنا للناس في هذا القرآن من كل مثل فأبى أكثر الناس إلا كفورا |
| | | Dhabaan ugu Cadaynay dadka Quraanka Tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday Gaalnimo mooyee. |
|
2119 | 17 | 90 | وقالوا لن نؤمن لك حتى تفجر لنا من الأرض ينبوعا |
| | | waxay dheheen Gaaladii (Makaad) ku rumayn mayno intaad nooga jeexdo Dhulka Ilo (Burqan). |
|