نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2083 | 17 | 54 | ربكم أعلم بكم إن يشأ يرحمكم أو إن يشأ يعذبكم وما أرسلناك عليهم وكيلا |
| | | Eebihiinna idin og (waxaad tihiin) hadduu doono wuu idiin Naxariisan, hadduu doonana wuu idin Cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad wakiil (Ilaaliye u Noqoto). |
|
2084 | 17 | 55 | وربك أعلم بمن في السماوات والأرض ولقد فضلنا بعض النبيين على بعض وآتينا داوود زبورا |
| | | Eebahaana waa ogyahay waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulkam, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada Qaarkood qaarka (kale) waxaana Siinay Nabi Daawuud Zabuur. |
|
2085 | 17 | 56 | قل ادعوا الذين زعمتم من دونه فلا يملكون كشف الضر عنكم ولا تحويلا |
| | | waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheeegateen oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan inay idinka faydaan dhib ama idinka wareejiyaan. |
|
2086 | 17 | 57 | أولئك الذين يدعون يبتغون إلى ربهم الوسيلة أيهم أقرب ويرجون رحمته ويخافون عذابه إن عذاب ربك كان محذورا |
| | | kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebana waa wax laga digtoonaado. |
|
2087 | 17 | 58 | وإن من قرية إلا نحن مهلكوها قبل يوم القيامة أو معذبوها عذابا شديدا كان ذلك في الكتاب مسطورا |
| | | Qaryo (Magaalo) Aanaan halaagayn ma jirto ka hor Qiyaamada ama aan la cadaabayn (Ciqaabayn) cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka (Looxul Maxfuudka). |
|
2088 | 17 | 59 | وما منعنا أن نرسل بالآيات إلا أن كذب بها الأولون وآتينا ثمود الناقة مبصرة فظلموا بها وما نرسل بالآيات إلا تخويفا |
| | | Umana aanaan daynin soo diridda Aayado (Mucjiso) inay beeniyeen kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud Hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi faleen (ka gaaloobeen) Aayadaha waxaan Cabsi galin ahayn uma soo dirro (Dejinno). |
|
2089 | 17 | 60 | وإذ قلنا لك إن ربك أحاط بالناس وما جعلنا الرؤيا التي أريناك إلا فتنة للناس والشجرة الملعونة في القرآن ونخوفهم فما يزيدهم إلا طغيانا كبيرا |
| | | (Xusuuso) markaan kugo nidhi Eebahaa wuxuu koobaa Dadka, kamana aanaan yeelin Riyadaan ku tusinay fidmada Dadka mooyee (Imtixaan) iyo Geedka lagu lacnaday Quraanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xadgudub wayn ahayn. |
|
2090 | 17 | 61 | وإذ قلنا للملائكة اسجدوا لآدم فسجدوا إلا إبليس قال أأسجد لمن خلقت طينا |
| | | (Xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadan oy Sujuudeen Ibliis moyee, oo yidhi ma waxaan u sujuudi waxaad Abuurtay isagoo dhooba ah, |
|
2091 | 17 | 62 | قال أرأيتك هذا الذي كرمت علي لئن أخرتن إلى يوم القيامة لأحتنكن ذريته إلا قليلا |
| | | wuxuuna yidhi ka warran kan aad iga sharriftay, haddaad dib ii dhigto tan iyo Qiyaamada waxaan ka adkaan (Dhumin) Faraciisa wax yar mooyee. |
|
2092 | 17 | 63 | قال اذهب فمن تبعك منهم فإن جهنم جزاؤكم جزاء موفورا |
| | | Eebe wuxuu ku yidhi: Tag ciddii ku raacda oo ka midana Jahannamaa Jashiisu yahay abaal marin dhamaystiiran. |
|