نتائج البحث: 6236
|
ترتيب الآية | رقم السورة | رقم الآية | الاية |
2077 | 17 | 48 | انظر كيف ضربوا لك الأمثال فضلوا فلا يستطيعون سبيلا |
| | | Day siday kuugu yeelaan tusaalayaal oy U dhumeen oyna u karin jidka Hanuunka. |
|
2078 | 17 | 49 | وقالوا أإذا كنا عظاما ورفاتا أإنا لمبعوثون خلقا جديدا |
| | | Waxay dhaheen (gaaladii) ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin Abuur cusub. |
|
2079 | 17 | 50 | قل كونوا حجارة أو حديدا |
| | | waxaad dhahdaa noqda dhagax ama bir. |
|
2080 | 17 | 51 | أو خلقا مما يكبر في صدوركم فسيقولون من يعيدنا قل الذي فطركم أول مرة فسينغضون إليك رءوسهم ويقولون متى هو قل عسى أن يكون قريبا |
| | | ama khalqi (Abuur) ku wayn laabtiinna, waxayna dhihi yaa na soo eelin ku dheh Eebihiin idin abuuray markii hore, waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh waa goorma isagu, waxaad dhahdaa waxaa suurowda inay dhawdahay. |
|
2081 | 17 | 52 | يوم يدعوكم فتستجيبون بحمده وتظنون إن لبثتم إلا قليلا |
| | | waana maalintuu idiin yeedhi Eebe ood maqlaysaan isagoo mudan Mahad una malaynysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee. |
|
2082 | 17 | 53 | وقل لعبادي يقولوا التي هي أحسن إن الشيطان ينزغ بينهم إن الشيطان كان للإنسان عدوا مبينا |
| | | waxaad ku dhahdaa Addoomadayda ha dheheen sida u fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna Dadka col cadbuu u yahay. |
|
2083 | 17 | 54 | ربكم أعلم بكم إن يشأ يرحمكم أو إن يشأ يعذبكم وما أرسلناك عليهم وكيلا |
| | | Eebihiinna idin og (waxaad tihiin) hadduu doono wuu idiin Naxariisan, hadduu doonana wuu idin Cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad wakiil (Ilaaliye u Noqoto). |
|
2084 | 17 | 55 | وربك أعلم بمن في السماوات والأرض ولقد فضلنا بعض النبيين على بعض وآتينا داوود زبورا |
| | | Eebahaana waa ogyahay waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulkam, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada Qaarkood qaarka (kale) waxaana Siinay Nabi Daawuud Zabuur. |
|
2085 | 17 | 56 | قل ادعوا الذين زعمتم من دونه فلا يملكون كشف الضر عنكم ولا تحويلا |
| | | waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheeegateen oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan inay idinka faydaan dhib ama idinka wareejiyaan. |
|
2086 | 17 | 57 | أولئك الذين يدعون يبتغون إلى ربهم الوسيلة أيهم أقرب ويرجون رحمته ويخافون عذابه إن عذاب ربك كان محذورا |
| | | kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebana waa wax laga digtoonaado. |
|